Khamiis, May 24, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa shaaca ka qaaday in laga bilaabo maalinta berri ah ay ammaanka Magaalada Muqdisho la wareegi doonaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in Ciidamada haatan jooga waddooyinka Magaalada Muqdisho la geyn doono xerooyin ka baxsan Magaalada, iyadoo magaaladana ay ka howlgeli doonaan Ciidamo Boolis ah oo ka kala imaanaya Saldhigyada iyo Degmooyinka Gobolka Banaadirl, kuwaasi oo yeelan doona Ciidamo Gurmad ah oo deg deg uga howlgala meeshii looga yeero.
Ciidamada Booliska ah ee maalinta berri ah ka howl bilaabi doona Magaalada Muqdisho ayaa waxay bedelayaan Ciidamo tiro badan oo is-barbar yaacayay, kuwaasi oo ku labisnaa dhar noocyo kala duwan leh, iyadoo mararka qaarkoodna ay dhici jirtay in ay kooxo Burcad ah soo labistaan dhar la mid ah midka ay heystaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska ah ee Magaalada Muqdisho ka howl bilaabi doona ay yihiin kuwo tababar soo qaatay oo anshaxoodu uu aad u wanaagsan yahay, isla markaana wax weyn ka bedeli doona ammaanka Magaalada Muqdisho, isagoo dadkana ugu baaqay in ay Ciidamadaas la shaqeeyaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo markii Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya la wareegeen gacan ku heynta Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay ka cabanayeen amni darro ka timid dhinaca Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka, kuwaasi oo falal dhac ah u geystay Dad ay ku qabteen meelo Koontaroollo ah oo la dhigay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






