Khamiis, May 24, 2007(HOL): Waxaa si wada jir ah Warsaxaafadeed uga soo saaray Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea Golaha Maxaakimta Islaamiga ah iyo Xubnaha Baarlamaanka Xorta ah ee ku sugan dalkaas, waxaa sida ku xusan warsaxaafadeedka ay labada dhinac soo saareen oo soo gaaray Xafiiska Warqabadka HOL ee magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeedka ay soo saaree labada dhinac oo ay ku wada saxiixnaayeen Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Guddoomiyaha Golihii Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa uu u qornaa qaabkan:
Xaaladda Dalka Soomaaliya
Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed waxa ay u gacan galeen cadow gumaysi ah kadib markii ciidamada Nidaamka Addis-ababa ee Meles Zenawi uu madaxda ka yahay ay ku soo duuleen, qabsadeenna dalka Soomaaliya.
Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed:
Waxaan u aragnaa in dib-u-heshiisiin Soomaaliyeed oo dhab ah ay tahay lagama maarmaan, hase ahaatee sidii cadowgu dalka u qabsadayba waxay adeegayaasha gumaysigu ku hadaaqayeen in ay qabanayaan shir dib-u-heshiisiin ay ku tilmaameen, kaasoo ay uga dan leeyihiin arrimaha soo socda:
In lagu sharciyeeyo gumeysiga dalka qabsaday
In u adeegayaasha gumaystuhu ay ku nolol dheereystaan, isukna muujiyaan dad dib-u-heshiisiin ku hawlan.
In Umadda Soomaaliyeed looga jeediyo halganka iska caabinta gumeystaha iyo dib-u-xoreynta dalkooda.
Haddaba, waxaan Ummadda Soomaliyeed, dawladaha Carabta iyo Beesha Caalamkaba ogeysiinaynaa arrimaha hoos ku qoran:
In wax shir ah oo dib u-heshiisiin ah uusan dhici karin inta dalka Soomaaliya uu gacanta ugu jiro gumeystaha taliska Ethiopia.
In dadka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin la dagaalanka gumeysiga aysan jirin wax dagaallo beeleed ah oo iyaga dhexyaalla.
Waxaan qabnaa in dib-u-heshiisiin run ah oo dhammeysa khilaafaadka siyaasadeed ay imaan karto dadka soomaaliyeed oo u madax banaan danahooda in ay ka tashadaan iyagoo aan gumeysi gacantiis ku jirin.
Sidaas darteed waxaanu ugu baaqeynaa Ummada Soomaaliyeed meel ay joogtaba in aysan dheg jalaq u siinin qorshayaasha gumeysigu u adeegsanyo kuwa uu ku shaqeysto, ayna ka fogaadaan ka qeybgalka shirweyne ku sheega dib-u-heshiisneed ee loo muddeeyay 15-june 2007. Sidoo kale waxaan beesha caalamka gaar ahaan dawladaha iyo hay’adaha deeqda bixiya ugu baaqeynaa in aysan gacan siinin, dhaqaalana ku bixin mashruucaas gumeysigu ku xalaaleysanayo haysashada dalka Soomaaliyeed.
Waxaannu soo dhaweyneynaa mawqifyadii siyaasadeed ee u dambeeyay ee ka soo baxay shirkii golah Wasiirada Arrimaha Dibadda Midowga Yurub iyo baaqii ka dambeeyay ee ka soo baxay Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada dawlada Talyaaniga Patrizia Sentinella oo ku saabsanaa in ay ciidamada gumaysiga Itoobiya si shuruud la’aan ah uga baxaan dalka Somaaliya.
Waxaanu Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay ka codsaneynaa dardargalinta baarista iyo sharci horkeenidda dambiilayaasha dagaal ee ku xasuuqay Shacbiga Somaaliyeed magaalo madaxda Muqdisho, iyo magaalooyinka kale ee dalka oo ay ku cadaato in ay lug ku leeyihiin xasuuqa, waxaan sidoo kale eedeyneynaa hor istaaga iyo carqaldeynta lagu hayo hawlaha loogu gurmanayo dadka ka barakacay iyo kuwa ku tabaaleysan gobolada dalka gaar ahaan agagaarka Muqdisho sida Hay’adaha samafalkuba ay cadeeyeen.
Ugu dambayntii waxaan shacbiga Soomaaliyeed ku boorineynaa in ay dar dar geliyaan halgankooda ay ku soo dhacsanayaan gobanimadooda iyo madax banaanidooda.
Guddoomiyaha Maxkamadihii Islaamka
Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Soomaaliya
Shariif Xasan Shiikh Aadan






