15.3 C
London
Thursday, November 6, 2025

Ururka SWACRO oo Dugsi ay wax ku bartaan Caruur Agoon ah ka furay Degmada Afgooye

- Advertisement -spot_imgspot_img


Khamiis, May 24, 2007(HOL): Waxaa dalka Soomaliya ku soo batey caruur agooman ah isla markaana aan awood u laheen  inay helaan waxbarasho. Hoy, iyo Cunto. Markaad indhaha saarto caruurtaasi waxaad wejiyadooda ka dareemeysaa inaysanba heysan wax daryeel ah waxaa ka muuqda diif iyo gaajo.

 

Hooyadood waa miskiin oo waxay la tiiceysaa raadinta halkii waqti ee nolol ah.  Runtii waa wax laga murugoodo jiil dhan oo soo koraayo ee aan laheen wax aqoon ah, Somalida   oo ah dad 100% muslim ah hadana waxaa fool xuma ah in caruur aan waxba ka aqoonin diinta islaamka inay sidaa ku qaangaaraan.

 

Iyadoo ay intaas iyo in ka  badan oo mushkilado ay heystaan ubadka agoonta ee aabayaalkooda ku dhintey dagaalada  amaba siyaabo kale oo markoodii horaba ku noolaa nolol tiiceysay ayaa hadana agoonnimo la soo derestey.

 

Intaa  ka dib Somali women and Children Rescue Organazion (SWACRO) oo ah urur wadani ah isla marakaana ka howlagasha dalka Soomaliya ayaa u suuragashay inay soo bayaamiso dhibaatada caruurtaas oo idil.

 

SWACRO intaa ka dib iyadoo gacan dhaqaalo ka heshay  jaaliyadaha ku nool dalka Swedan gaar ahaan Gothenburg oo ay  soo wakiisheen wakiilka SWACRO ee Swedan C/fitaax Muxayadiin ayay u noqotey inay maanta ka furto degmada Afgooye  dusgi agoomanka  lagu baraayo aayadaha quraanka iyo tarbiyada islaamka.

 

Furitaanka dugsiga  waxaa goobjoog ka ahaa  xubnaha SWACRO ee ku sugan Muqdisho kuwaasoo door muhiim ah ka qaatey  sidii ay caruurta ugu qebin lahaayeen qalabkii ay wax ku baran lahaayeen.

 

  Sidoo kale waxaa xaflada furitaanka hadalo wax tar leh ka tiri Gudoomiyaha SWACRO Tirik Cilmi Axmed oo ku sugneyd dalka Mareykanka ayadoo qadka isgaarsiinta kala qeyb qaadatey xaflada muhiimada gaarka ah mudan isla markaana shaqo la qabtey midii ugu mudneyd ah  waxay sidoo kale  Gudoomiyaha balanqaatey in la balaarin doono wax barida caruurta nasiib darida ku dhacdey ayna mar walbo u taagan tahay wax u qabadkooda SWACRO.

 

  SWACRO waxay dugsiyo  agoonta looga faa’iideynaayo ka kala furtey Hargeysa, Muqdisho iyo Afgooye oo ka tirsan G/shabeelaha hoose.  Hadaba ururku waa urur wadani ah isla markaana ku tiirsan walaalaha wanaaga iyo wax tarka leh waxay si gaar ah SWACRO u codsaneysaa dhamaan Somaalida ku kala nool dalka iyo dibadaba  in ay u soo gargaaraan ubadkeena Soomaliyeed ee cidlada ku dan dareysan.

Kaalmooyinkaaga fadlan ku hagaaji

 

Yaasmiin Mayow Maxamed

yaasmiinm@hotmail.com

yaasmiin@4somaliwomen.com

Tel:-00252-1-55590407

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).