15 C
London
Thursday, November 6, 2025

Afhayeennada Baarlamaannada Soomaaliya iyo Itoobiya oo Addis Ababa kulan ku qaatay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, May 24, 2007(HOL): Afhayeennada Baarlamaannada Soomaaliya iyo Itoobiya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) iyo Teshome Toga ayaa kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyagoo wada hadalladooda ku tilmaamay kuwo saaxibtinimo ah oo la iskula soo qaaday sidii ay labada Baarlamaan u wada shaqeyn lahaayeen.

 

“Wada hadallada aan yeelanay waxaa looga gol lahaa in ay baarlamaannada labada Dal is-weydaarsadaan khibraddooda, sidoo kalena uu hagaagsanaado Xiriirka labada Dal”ayuu yiri Ambassador Teshome oo intaas ku daray in booqashada wafdiga ka socday Baarlamaanka Soomaaliya ay ahayd sidii ay wada shaqeyn u yeelan lahaayeen Hay’adaha Dastuuriga ah ee labada Dowladood.

 

Wafdiga ka socday Baarlamaanka Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Shiikh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale waxaa uu kulan kula qaatay Magaalada Addis Ababa Wasiir Arrimaha Dibadda Itoobiya Mr. Syoum Mosfen, kaasi oo ay ka wada hadleen xiriirka labada Dal.

 

Wada hadalladaas ayay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ay sheegtay in looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa Baaarlamaanka Federaalka Soomaaliya, looguna suurtagelin lahaa in uu taageero u fidiyo Hay’adaha kale ee Dastuuriga ah ee Soomaaliya.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Syoum Mosfen ayaa mar uu ka hadlayay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan la qaban doono waxaa uu sheegay in uu aaminsan yahay in shirkaas uu guul ku dhamaan doono, waase haddii buu yiri ay wada shaqeeyaan Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya oo ayna ku dadaalaan sidii uu u guuleysan lahaa Shirka Dib u heshiisiinta.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe ayay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ay ka soo werisay in uu  mas’uuliyiinta Dowladda Itoobiya uga mahadceliyay gacanta ay siiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya oo markaasina ay dalka Soomaaliya uga badbaadiyeen wax uu ugu yeeray halistii ay ku hayeen kooxaha Argagixisada.

 

Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in xaalka dalka Soomaaliya uu haatan ka wanaagsan yahay sidii uu horay u ahaa, isla markaana ay haatan jirto fursad lagu qaban karo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee loo ballansan yahay bartamaha bisha  soo socota, sidaas darteed ayuuna Beesha Caalamka ka codsaday in ay taageero ku bixiyaan Shirkaas.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).