15 C
London
Thursday, November 6, 2025

Burundi iyo Nigeria oo Ciidamo u soo diraya Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, May 23, 2007(HOL): Ciidamo ka socda Dowladaha Burundi iyo Nigeria ayaa la sheegay in ay ku biirayaan Ciidamada Uganda ee jooga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, walow aan la sheegin waqtiga rasmi ahaan Ciidamadaas loo soo dirayo Soomaaliya.

Gen. Aronda Nyakairima oo ah Madaxa Ciidamada Difaaca Uganda ayaa u sheegay Guddi Baarlamaanka Uganda u xilsaaray dhinaca Difaaca in ay Dowladda Burundi Ciidamo u diri doonto Soomaaliya todobaadyada soo socda, halka uu sheegay in ay Dowladda Nigeria iyadana ku guda jirto diyaarinta Ciidamadii ay u diri lahayd Soomaaliya.

Gen. Aronda Nyakairima waxaa uu sheegay in ay Ciidamada Itoobiya joogi doonaan Dalka Soomaaliya tan iyo inta ay Ciidamada Midowga Afrika ka tegayaan Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray in marka ay Ciidamadaas gaaraan Soomaaliya ay si rasmi ah u bilaaban doonaan howlgallada nabad ilaalinta ah ee Midowga Afrika.

Sarkaalkan u hadlay Ciidamada Uganda waxaa uu intaas ku daray in ay ciidamadooda heleen mushaarkoodii caadiga ahaa ee ay ka sugayeen Dowladda Uganda, halka uu xusay in ay dhawaan heli doonaan mushaarooyinkii ay ka sugayeen Midowga Afrika ee loo ballanqaaday markii Ciidamada Uganda Soomaaliya loo dirayay.

Wuxuu beeniyay Gen. Aronda Nyakairima warar sheegayay in Qaraxii dhawaan lala beegsaday Ciidamada Uganda ee ay afarta Askari ku dhinteen uusan dhici lahayd haddii uusan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf booqan lahayn Dalka Uganda, wuxuuna sheegay in dadkii ka dambeeyay qaraxaas la xiray.

Dalalka Midowga Afrika ee ciidamada laga sugayo ayaa waxay horay u sheegeen in ay heysato dhibaato dhinaca dhaqaalaha ah, gaar ahaan marka ay timaado in ay Ciidamadooda u daad-gureeyaan Dalka Soomaaliya. Nigeria waxay sheegtay in ay Soomaaliya u direyso 850 Askari, halka Dowladda Burundi-na ay sheegtay in ay direyso 1,700 oo Askari.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).