15 C
London
Thursday, November 6, 2025

Dowladda Talyaaniga oo ku baaqday in Ciidamada Itoobiya laga saaro Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, May 23, 2007(HOL): Dowladda Talyaaniga ayaa ku baaqday in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya laga saaro, si ciidamo ka socda Midowga Afrika Soomaaliya loogu daad-gureeyo.

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga Patrizia Sentinelli oo dhawaan booqasho waqti kooban ah ku tagtay dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in marka Ciidamada Itoobiyaanka ha laga saaro Dalka Soomaaliya ay Dowladda Talyaaniga ka qeybqaadan doonto taageerada loo fidinayo Ciidamada Afrikaanka ah ee Soomaaliya la geynayo.

Patrizia Sentinelli, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga waxay shaki gelisay macquulnimada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna sheegtay in Dowladda ay tahay mid aan laga wada qeybgeleynin. Waxay kaloo sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay mid aan gudan karin waajibaadkeeda sabab la xiriirta in aaney Dowladda ka wada muuqan Kooxaha ka jira Dalka Soomaaliya.

Sidaas darteed ayay ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay qaladaadkeeda saxdo, isla markaana ay ka shaqeyso sidii ay u noqon Dowladda la iska wada dhex arko oo ku dhaqmeysa Axdiga u degan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga Patrizia Sentinelli ayaa hadalkan ka sheegtay magaalada Nairobi kadib markii ay ka laabatay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ay kulamo kula qaadatay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).