15 C
London
Thursday, November 6, 2025

Wariyayaashii ka xirnaa TV-ga Universal oo ay sii deysay Maxkamadda Gobolka Banaadir

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, May 22, 2007(HOL): Waxaa xoriyaddoodi dib u helay oo la sii daayay Agaasimaha Qeybta Muqdisho ee TV-ga Universal Wariye C/qaadir Maxamed Cashir Nadaara, Wariye Bashiir Diiriye Naaleeye iyo Sawir-qaade kala shaqeynaya TV-gaas oo lagu magacaabo Xaamuud Maxamed Cismaan, kadib markii saakay la soo taagay maxkamadda Gobolka Banaadir, isla markaana la sheegay in wax dembi ah lagu waayay.

Axmed Cabdi Tooyo oo ka mid ah howl-wadeenada TV-ga Universal ayaa sheegay in Wariyayaashaas oo muddo bil iyo bar ah u xirnaa Dowladda Federaalka la sii daayay, isagoo caddeeyay in sii deyntooda ay ka dambeysay iyagoo wax dembi ah lagu waayay.

Agaasimaha Qeybta Muqdisho ee TV-ga Universal C/qaadir Nadaara iyo Wariyayaasha la shaqeynayay ayaa waxay u xirnaa Qeybta Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo aan ilaa iyo haatan shaacin waxa ay ku xiratyay Wariyayaashaas oo markii la xirayay ku guda jiray howshooda shaqo.

Nabaddoon Mahdi Kuulow Axmed oo ka mid ahaa Dadkii dhegeysanayay Dacwadda Wariyayaashan loo heystay ayaa sheegay in Maxkamadda Gobolka Banaadir saakay la hor geeyay cajalad muuqaal ah oo uu ku duubnaa Wareysi ay Wariyayaashan ka qaadeen Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ninka lagu magacaabo Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed), wuxuuna caddeeyay in markii cajaladdaas la daawaday oo laga waayay wax dembi ah la go’aamiyay in Wariyayaashaas la sii daayo.

Nabaddoon Mahdi Kuulow waxaa uu sheegay in markii lagu dhawaaqay go’aanka sii deynta Wariyayaasha ay si weyn u sacab-tumeen dadweynihii Dacwadda dhegeysanayay oo iyagu si weyn u daneynayay in Wariyayaasha la sii daayo, wuxuuna intaas ku daray inay Wariyayaashaas xoriyaddooda dib u heleen.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore waxay u xirteen Wariyayaal ka howlgala Idaacado ku yaala Magaalada Muqdisho, inkastoo wariyayaashaas la sii daayay markii maalmo xabsi lagu hayay, waxaana xarigga wariyayaashaas loo geystay si weyn u cambaareeyay Ururro u dooda Xuquuqda Aadanaha iyo kuwo u dooda Xoriyadda Saxaafadda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).