15 C
London
Thursday, November 6, 2025

Wasiiradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay gacanta ku heyso qorshe wax looga qabanayo Qaraxyada Muqdisho ka dhaca

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, May 22, 2007(HOL): Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka gacanta ku heyso qorshe wax looga qabanayo qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ay ka dambeeyaan kooxo uu sheegay in ay diidan yahay joogitaanka Dowladda Federaalka ee Magaalada Muqdisho iyo weliba ololaha amni sugidda ah oo ay waddo.

Md. Gacma-dheere waxaa uu intaas ku daray in ay Dowladda Federaalka horay heshiisyo ula gaartay Odayaal iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Beelaha Gobolka Banaadir, kuwasi oo Dowladda u ballanqaaday in ay la shaqeynayaan, hayeeshee kooxaha haatan abaabulaya qaraxyada ay yihiin kuwo dano gaar ah leh oo diidan in la soo celiyo ammaanka Magaalada Muqdisho.

Hadalkan uu sii daayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay Magaalada Muqdisho ka dhacayeen qaraxyo qaarkood lala beegsaday mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka oo Magaalada Muqdisho ay keeneen Ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa muddo shan bilood ah oo ay Muqdisho ku sugan tahay waxay weli ku guuleysan la’ dahay in ay meel saarto oo ay xakameyso dilal loo geysanayo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo weliba Qaraxyo lala beegsanayo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).