14.9 C
London
Thursday, November 6, 2025

Col. Barre Hiiraale oo sheegay in uu ku faraxsan yahay Xilkii laga qaaday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, May 22, 2007(HOL): Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale oo dhawaan laga qaaday xilkii Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in uu ku faraxsan yahay in xilkaas laga qaado.

Barre Hiiraale oo haatan ku sugan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa uu sheegay in ay dhib ku ahayd in uu xilkaas hayo xiligan oo uu sheegay in dalka Soomaaliya ay dhibaatooyin ka dhaceen, wuxuuna caddeeyay in uu haatan faa’iido ku qabo in uusan xilkaas heynin.

Mar wax laga weydiiyay waxa keenay xil gudasho la’aanta la sheegay in xilka looga qaaday waxaa uu sheegay in uu go’aansaday in uusan ku shaqeynin xilka loo dhiibay kadib markii sida uu yiri uu bogi waayay qaab dhaqanka madaxda sare ee Dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha oo uu carrabka ku dhuftay in aysan awooddoodu kala qeexneyn.

Wuxuu laalay Col. Barre Hiiraale oo uu diiday in uu shaqeynayo Nidaamkii 4.5 ee lagu soo dhisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhejiyay in nidaamkaas uu magac ahaan u jiro balse aaney Dowladda ku shaqeynin qaabkii lagu soo dhisay ee ku saleysnaa Qaab qeybsiga 4.5.

Xildhibaan Barre Hiiraale waxaa uu ka hadlay dhibaatooyinkii dhawaan ka dhacay Magaalada Kismaayo ee keenay in ay isku dhacaan Ciidamo Dowladda Federaalka ka wada tirsan oo halkaas ku sugnaa, wuxuuna caddeeyay in isku dhaca labadaas Ciidan ay salka ku heyso cadaalad darro lagu sameeyay maamul loo sameeyay Gobollada Jubbooyinka iyo weliba iyo iyadoo gudaha Magaalada Kismaayo laga sameeyay ku takri-fal awoodeed.

Ugu Dambeyntiina, Col. Barre Hiiraale waxaa uu sheegay in uu qorsheynayo in uu dhawaan booqasho ku soo kala bixiyo Deegaano ka tirsan Gobollada Dhexe, halkaasi oo uu sheegay in uu ka soo jeedo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).