14.9 C
London
Thursday, November 6, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ka digay Khatar ka timaada Kooxo Argagixiso ah oo ay Dowladdiisa Dagaal kula jirto

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, May 21, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP waxaa uu ku sheegay in kooxo argagixiso ah oo ku dhuumaaleysanaya xaafadaha iyo Magaalooyinka dalka Soomaaliya ay la imaan karaan khatar dhinaca nabadgelyada ah, “Dowladdeyda waxay la dagaashay kooxo Argagixiso ah oo ay ka xoreysay meelo ay ku xooganaayeen oo Muqdisho ah, laakin waxay weli ku dhuumaaleysanayaan magaalooyin iyo xaafado ka tirsan dalka Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Madaxweyne Yuusuf oo xilka madaxweynenimada loo doortay 10-kii Oktoobar sanadkii 2004 waxaa uu eedeyn u jeediyay Beesha Caalamka oo uu sheegay in aysan ku taageerin Dowladdiisa dagaalka ay kula jirto kooxo argagixiso ah oo gudaha dalka iyo dibaddiisa ku sugan, “Ma rumeysni in ay dhamaadeen Kooxihii Argagixisada ahaa, waxayna weli qaarkood abaabullo ka wadaan dalka Dibaddiisa”ayuu mar kale yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Dowladda Mareykanka ayuu sheegay Madaxweynaha in ay qiimeyneyso dagaalka ay Dowladdiisa kula jirto kooxaha Argagixisada ah, wuxuuse carrabka ku dhuftay in aysan Dowladda Mareykanka ka helin wax taageero ah oo la taaban karo, si loo dib loogu dhiso dalka burburay ee Soomaaliya.

“Wadamada Afrika ee Walaalaheen ah waxay ballanqaadeen in ay Ciidamo u dirayaan Soomaaliya, hayeeshee waxay u baahan yihiin taageero dhinaca logistic-kada ah, hub iyo taageero dhaqaale”ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf Axmed oo ka hadlayay Dalalka Afrikaanka ah ee Ciidamada u ballanqaaday Soomaaliya iyo waxa hortaagan in ay Ciidamadooda Soomaaliya geeyaan.

Deeq-bixiyayaasha Reer Galbeedka oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa waxay horay u ballanqaadeen in ay bixinayaan dhaqaalaha ku baxaya Ciidamada Afrikaanka ah ee Soomaaliya la geynayo, balse ilaa iyo haatan ma jiro dhaqaale ay Deeq-bixiyayaashaas dhiibeen.

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu ka hadlay qaabka ay madaxdii Maxkamadaha Islaamka uga qeybgeli karaan Shirka dib u heshiisiinta ah ee bisha soo socota bartamaheeda lagu qaban doono magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in ay shirkaas ka qeybgeli karaan kaliya iyaga oo metelaya Qabaa’illadooda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).