14.9 C
London
Thursday, November 6, 2025

Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo beeniyay in Suuqaas laga soo abaabulo Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, May 21, 2007(HOL): Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa beeniyay hadal uu shalay sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere, kaasi oo ahaa in Suuqa Bakaaraha laga soo abaabulo qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Cali Dheere waxaa uu sheegay in aaney waxba ka jirin in Suuqa Bakaaraha laga soo abaabulo qaraxyada, isla markaana ay ku jiraan rag ka haray Maxkamadihii Islaamka oo arrimahaas gacanta kula jira, wuxuuna caddeeyay in Suuqa Bakaaraha uu yahay mid aan loo ogoleyn in falal ceynkaas oo kale ah laga fuliyo, “Suuqa Bakaaraha wuxuu ahaa mid lagala dagaalamo kooxaha fidno-wadayaasha ah, xitaa xiligii dagaallada socdeen Suuqa wuxuu ahaa mid ka caagan kooxaha hubeysan ee ka baxsan ilaalada uu Suuqa leeyahay”ayuu yiri Ganacsade Cali Dheere.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa shalay mar uu ka hadlayay shir jaraa’id oo qabtay wax yar kadib markii uu ka badbaaday Qarax Miino oo lagu dili lahaa waxaa uu ku sheegay in ay gabaabsi sii yihiin kooxo uu sheegay in ay ka hareen Maxkamadihii Islaamka, isla markaana ay ka dambeeyaan qaraxyada Muqdisho ka dhaca.

Dhanka kalena, Suuqa Bakaaraha ayaa maalmihii aynu soo dhaafnay waxaa ka dhacayay dilal loo geysanayay Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo markii la dilayay ku guda jiray howl lagu burburinayay Sandaqado iyo Dhismooyin si sharci darro ah looga dhisay Waddooyin dhexmara Suuqa Bakaaraha.

Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa waxaa si caadi ah uga socda ganacsiga qeybihiisa kala duwan, wuxuuna ka badbaaday dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee madaafiicda xooggan la isugu adeegsanayay, iyadoo taasina ay ka shaqeeyeen ganacsatada waa weyn ee Suuqa iyo weliba masuuliyiinta Shirkadaha Isgaarsiinta iyo kuwa Xawilaadaha, kuwaasi oo Suuqa ku ilaalin jiray Ciidamo Ilaali ah oo ay iska uruuriyeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).