15.3 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Maxamed Dheere oo sheegay in uu ka badbaaday Qarax Miino oo lagu dili lahaa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, May 20, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in qarax saakay Muqdisho ka dhacay loola dan lahaa in isaga lagu dilo, hayeeshee uu ka badbaaday.

Maxamed Dheere oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho qaraxaasi kadib ayaa sheegay in Miino Bac lagu soo qariyay loo dhigay wadada dhinaceeda, gaar ahaan meel aan u dheereyn Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali ee Degmada Kaaraan, wuxuuna sheegay in ay ka war heleen Miinada Wadada hareeraheeda loo dhigay, kadibna ay ka istaageen.

Maxaned Dheere waxaa uu intaas ku daray in qaraxaas oo uu qof ku dhintay, isla markaana ay ku dhaawacmeen labo ruux oo kale la helay ninkii ka dambeeyay, kaasi oo uu sheegay in markii uu Qaraxa dhacay kadib uu ka soo booday geed uu saarnaa, kadibna ay toogteen Ciidamadiisa.

Mar uu ka hadlayay cidda ka dambeysay qaraxii lala beegsaday waxaa uu sheegay in ay qaraxaasi ka dambeeyeen sida uu hadalka u dhigay kooxo ka haray maxkamadihii Islaamka, kuwaasi oo uu carrabka ku dhuftay in laga soo abaabulo gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, dhawaana ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa dhanka kale warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu ku sheegay in dadka Gobolka Banaadir ay waajib ku tahay in ay la dagaalamaan kooxaha wax qarxiya ee guryahooda hortooda dhiga waxyaabaha qarxa, wuxuuna caddeeyay in gurigii hortiisa la dhigo waxyaabo qarxa ay Dowladda la wareegi doonto, sidoo kalena wuxuu faray dadka Muqdisho in ay iska jaraan Geedka loo yaqaano Geed Yahuudka oo Muqdisho ku soo badanaya, iyadoo ciddii iska jari weysana ay bixin doonto lacag dhan Hal Milyan oo Shillin Soomaali ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Hoose iyo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa horay loogu geystay qaraxyo ay qaarkood wax ku noqdeen, waxaana dhaawac ka soo gaaray Qarax Muqdisho loogu geystay u geeriyooday ku xigeenkii Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Marxuum Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey, halka Ra’iisla Wasaare Cali Maxamed Geedi-na uu dhawaan ka badbaaday Bambo gacmeed lagu qarxin lahaa xilli uu marayay Wadada Jamhuuriyadda ee Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).