15.3 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Dhaqdhaqaaq Ciidan oo laga soo sheegay goobihii ay ka dhaceen Dagaalladii ugu dambeeyay ee dhulka Is-maamulka Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, May 20, 2007(HOL): Wararkii  ugu danbeeyay ee ka soo baxaya Goobihii dhawaan ay ka dhaceen Dagaalada Culus ee Dhulka Ismaamulka Soomalida Itoobiya ayaa sheegaya in ay jiraan dhaq-dhaqaaqo Ciidan oo ay halkaa ka wadaan koohihii horay  ugu dagaalamay, iyada oo dhanka kalana wararka laga helayo deegano ka tirsan Degmada Khalaafe ay sheegayaan in iska hor Imaadyo aan badneyn uu halkaa ku dhax maray ciidamada Maamulka Itoobiya iyo Maleesho lagu sheegay in ay ka mid ahaayeen kuwii dhawaan ka qeyb-galay dagaalkii ka dhacay deegaanada Baar-magoog iyo Labo-baar.

 

Sida HOL ay u xaqiijinayaan Ilo xog-ogaal ah oo siweyn ugu dhuun-daloola wax yaabaha ka dhacaya Gudaha dhulka Ismaamulka Itoobiya dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee soo baxaya ayaa ah kuwo ku soo beegmay Xili dhawaan xiriiro hoose ay yeesheen Duubka dhaqanka Beelaha Gobalada Hiiraan iyo Gal-gaduud si loo soo afjaro wax yaabihii dhacay, waxaana wararku intaa ku darayaan dhacdooyinkan ugu danbeeyay yihiin kuwo wax u dhimi kara xiriirada socda.

 

Dhanka kale wararka iyaguna ka soo baxaya Degmada Feer-feer ayaa sheegaya in dhawaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ay gareen qeybo ka mid goobihii lagu dagaalamay iyada oo u jeetada socdaalka ciidamada lagu sheegay in ay ku raad joogaan baadi-goobka shaqsiyaad lagu tuhun san yahay in ay ka mid ahayeen Ururkii Maxkamadaha ee bur buray kuwaasoo loo maleynayo sida la sheegay in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah dhulka Ismaamulka.

 

Dhawaan ayeey aheyd markii Mas’uuliyiinta Maamulada Hiiraan iyo Gal-gaduud si wada jir ah u sheegeen in dagaaladii ugu danbeeyay ee dhacay ay ku lug lahaayeen Shaqsiyaad ka tirsan Midowgii Maxkamadaha,  gaar ahaa Gudoomiyaha degmada Guri-ceel Daa’uud Cabdi Daa’uud oo isagu carabka ku dhuftay Shiikh Aadan Haashi Cayrow taasoo keentay in Maamulka Itoobiyaanku arintaa shaki ka qaado.

 

Sikataba Xiisadaha dagaal ee wali ka aloosan dhulka Ismaamulka Soomalida Itoobiya ayaa la oran karaa xiligan marka la eego loona fiirsado sida wax isku daba socodaan waa kuwo yeelanaya waji ka duwan kii hore lagna yaabo in arimaha soo fara-galiyaan Ciidamada Itoobiya oo ah kuwo  aad uga xun wararka tilmaamaya in arimuhu yihiin kuwo sida hadalka loo dhigay Arga-gixiso.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).