15.3 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Itoobiya oo sheegtay in ay 1000 qofood ku dishay dagaalladii Muqdisho ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, May 20, 2007(HOL): Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadeeda oo taageerayay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dagaalladii Muqdisho ka dhacay ku dileen dad gaaraya 1,000 qofood oo 200 ilaa 300 oo ka mid ah ay ahaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

 

Sida ay qortay Wakaallada Wararka AFP oo soo xiganeysay Ilo wareed ay ka heshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, waxaa jiray dad kale oo maxaabiis ahaan loo qabtay intii ay socdeen dagaalladii Muqdisho ka dhacay, kuwaasi oo aan la sheegin halka lagu hayo.

 

Tirada ay sheegtay Dowladda Itoobiya in ay ku dishay Dagaalkii Muqdisho ka dhacay ayaa waxay isu dhow yihiin tiro uu soo saaray guddigii qiimeynta Beelaha Hawiye, kaasi oo intii ay dagaallada socdeen sheegay in ay Ciidamada Itoobiyaanka dileen 1,086 ruux oo dad rayid ah u badnaa.

 

Sidoo kalena warkan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in ay dagaalladii Muqdisho ka dhacay ku barakceen 80,000 oo ruux, halka ay Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootigana ay sheegeen in dadka barakacay ay tiradooda gaareyso 400,000 oo qofood.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa la sheegaa in ay bedelayaan Ciidamo ka socda Midowga Afrika, kuwaasi oo ilaa iyo haatan laga hayo Ciidamo 1,500 oo askari oo ka socda Dowladda Uganda, halka dowlado kale oo ciidamo laga sugayayna ay sheegayaan in ay heysato dhibaato dhinaca dhaqaalaha ah oo ka hortaagan in ay Ciidamadooda u soo diraan Soomaaliya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dagaalladii Muqdisho ka dhacay seddex asbuuc ka hor ayaa waxay geysteen dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed oo aad u baaxad weyn, wuxuuna khasaarahaas yimid kadib markii ay dagaal weji ka weji ah isaga horyimaadeen Ciidamada Dowladda Federaalka oo taageero ka helayay Ciidamada Itoobiya oo adeegsanayay hub aad u culus iyo kooxo kacdoono waday oo ka soo horjeeday joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya iyo sida ay wax u waday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).