Arbaco, May 02, 2007(HOL): Dadkii ay guryahooda burburiyeen madaafiicdii dhawaan la isugu adeegsaday Dagaalkii Muqdisho ka dhacay ayaa waxaa heysata xaalad nololeed oo aad u daran, iyagoo aanan heysan meel ay ku soo laabtaan.
Dadkani oo weli ku sugan deegaannada Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo Degmada Afgooye ayaa sheegay in uusan Muqdisho ugu oolin guri ay ku soo laabtaan, waxayna Xaliimo Faarax Axmed oo dadkaasi ay ka mid ah ay sheegtay in guri ay ku lahayd Xaafadda Towfiiq oo afar qol ka koobnaa uu gebi ahaanba bur buray, isla markaana meeshii ay ku noolaan jirtay ay haatan tahay meel aan banaan waxba dhaamin.
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in ay dowladda Federaalka caawin doonto dadkaas guryaha ka bur bureen, isla markaana ay kaalin mug leh ka qaadan doonto sidii dadkaasi guryahooda loogu dhisi lahaa, isagoo caddeeyay in ay arrintaas la kaashan doonaan hay’adaha Samafalka.
Maxamed Dheere waxaa uu ugu baaqay dadkii Muqdisho ka qaxay in ay dib guryahooda ugu soo laabtaan bacdamaa sida uu yiri ay Magaalada Muqdisho tahay mid ammaan ah, isagoo caddeeyay in ay ogyihiin in ay dadkii Muqdisho ka barakacay ee aan weli soo laaban ay heysato xaalad nolol xumo oo aad u daran.
Dhanka kalena, waxaa maalin walba lagu arkayaa waddooyinka Magaalada Muqdisho Dad horay uga qaxay magaalada Muqdisho oo dib ugu soo laabanaya guryahooda, kuwaasi oo qaarkood ay ka soo laabanayaan Gobollo ka fog Magaalada Muqdisho, sida Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, dagaalladii Muqdisho ka socday Mudada bisha ahayd ayaa waxay geysteen burbur hantiyeen oo baaxad leh, marka laga soo tago khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca leh ee dadka rayidka ah soo gaaray, waxaana xaafadaha qaarkood marka aad marto aad ku arkeysaa guryo dhisnaa oo ay madaafiicda ka soo reebeen tiirarkii guriga ama hal qol.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






