14.1 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Maxamed Dheere iyo Cabdi Qeybdiid oo Kooxo Burcad ah ka soo qabtay Wadada u dhaxeysa Balcad iyo Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, May 02, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa maanta kormeer ku tegay Deegaanka Cali-yaale oo ka tirsan Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Labadan Mas’uul iyo wafdi ay horkacayeen ayaa waxay kulan kula qaateen deegaanka Cali-yaale Guddoomiyaha Degmada Balcad Maxamuud Xuseen Gudbaaye iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Degmada Balcad ninka lagu magacaabo Maxamed Weli Ugaas, waxayna labada dhinac ka wada hadleen sidii loo adkeyn lahaa magaalada deegaanada isku xira Gobollada Banaadir iyo Shabeelada Dhexe.

Wafdigan booqashada ku tegay Deegaanka Cali-yaale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa intii ay ku sii socdeen wadada isku xirta Xamar iyo Cali-yaale waxay jidka ku sii qabqabteen kooxo burcad ahaa oo ay isbaaro u taalay duleedka Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho, waa sida uu sheegay Af-hayeenka Maamulka Degmada Balcad ninka lagu magacaabo Maxamed Abshir Nuur Koba-qori.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Qeybdiid ayaa xilalka ay hayaan loo magacaabay kadib markii ay Dowladda Federaalka la wareegtay gacanta ku heynta magaalada Muqdisho, iyadoo labadan mas’uulna ay horay uga tirsanaayeen Hoggaamiye Kooxeedyadii ay ka adkaadeen Maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda bilood ah ka talinayay deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Maxamed Dheere iyo Cabdi Qeybdiid ayaa la sheegaa in ay yihiin labo nin oo leh awood maamul, sababtaas darteed ayayna dad badan rumeysan yihiin in loogu dhiibay xilalka ay ku magacaaban yihiin ee gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).