Arbaco, May 02, 2007(HOL): Maamulka cusub ee gobolka Banaadir ayaa wuxuu maanta soo saaray wareegto lagu amrayo dadka degan goobihii ay lahayd Dowladda Hoose iyo kuwa ku ganacsada hareeraha Waddooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo wareegtadanina ay tahay midii ugu horeysay ee uu maamulka gobolka Banaadir soo saaro tan iyo markii la magacaabay.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada, ahna ku simaha dhinaca arrimaha Nabadgelyada Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur oo saxaafadda u aqriyay wareegtada ka soo baxday maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu sheegay in dadka degan hareeraha waddooyinka iyo kuwa ku ganacsada la faray in ay muddo 15 cisho gudahood ah ay uga guuraan halkaas, isagoo caddeeyay in ciddii mudadaas uga guuri weysa tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur waxaa uu sheegay in aaney isku qabanin maamulka Gobolka Banaadir in ay dadka carqalado sameeyaan, hadana ay yiraahdaan amni sugid ayaan u baahan nahay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dadka looga baahan yahay in ay u hoggaansamaan awaamiirta ka soo baxeysa Dowladda Federaalka, gaar ahaana maamulka Gobolka Banaadir.
Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur waxaa uu u mahadceliyay Ciidamada Dowladda Federaalka oo dhawaan ka fuliyay Magaalada Muqdisho howl lagu baneeyay hareeraha waddooyinka, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada KM4 iyo KM5, wuxuuna intaas ku sii daray in Ciidamada ay sii wadi doonaan howlgalladooda ceynkaas oo kale ah.
Mar uu ka hadlayay halka ay Dowladda u qorsheysay in ay ku ganacsadaan ama ay degaan dadka laga rarayo hareeraha Waddooyinka Muqdisho iyo xarumaha Dowladda Hoose ayaa wuxuu sheegay in ay Dowladda Federaalka intii karaankeeda ku dadaali doonto sidii ay dadkaasi ugu heli lahayd meel ay degaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ayay wareegtadiisani tahay middii ugu horeysay ee uu soo saaro, waxayna wareegtadani ku soo beegmeysaa iyadoo uu maalintii shalay ahayd uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu sheegay in uu maamulkiisa soo diyaariyay qorshe cusub oo lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






