15.3 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Ergooyinka ka qeybgelaya Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho lagu qabanayo oo la dhimay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, May 19, 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddiga loo xil saaray Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee bisha soo socota bartamaheeda lagu qaban doono Magaalada Muqdisho Cali Mahdi Maxamed oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa shaaca ka qaaday in la dhimay ergooyinkii horay loo shaaciyay ee ka qeybgeli lahaa shirkaas dib u heshiisiinta ah.

Cali Mahdi waxaa uu sheegay in kadib markii ay qiimeeyeen dhaqaalaha ay heleen iyo meesha shirka lagu qabanayo ay u soo baxday in aaney suurtagal ahayn in ergooyin gaaraya 3000 oo ruux lagu casuumo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in ergooyinka shirka ka qeybgelaya lagu soo koobay 1,325 ergay, kuwaasi oo ka kala imaan doona beelaha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Cali Mahdi Maxamed waxaa uu sheegay in dabayaaqada todobaadkan ay gobollada dalka Soomaaliya u kala diri doonaan wufuud ka kooban 28 xubnood, kuwaasi oo casuumado gaarsiin doona Salaadiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobollada dalka, kuwaasi oo iyana soo xuli doona ergooyinka shirka uga qeybgelaya.

Mar wax laga weydiiyay Cali Mahdi Maxamed in ay Somaliland shirkaas ka soo qeybgeleyso, waxaa uu ku gaabsaday in ay Soomaaliya oo dhan ku casuumayaan Shirka Dib u heshiisiinta, wuxuuna carrabka ku dhuftay in shirka loogu talagalay in ay ku heshiiyaan dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee horay colaadaha u dhexmareen.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirkan dib u heshiisiinta ah oo ay horay ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu qaban doonaa Xaruntii Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho, taasi oo haatan ay ka socoto howl dayactir ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).