15.3 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya oo sheegay in uu dejinayo Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, May 19, 2007(HOL): Ergayga Cusub ee Mareykanka u magacaabay Arrimaha Dalka Soomaaliya Ambassador John M. Yates ayaa wacad ku maray in uu soo celinayo xasiloonidii ka jiri jirtay Dalka ay Dagaalladu aafeeyeen ee Soomaaliya.

Ambassador Yates oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi kadib magacaabistiisii ayaa sheegay in aysan u qorsheysneyn in uu u socdaalo dalka Soomaaliya, sabab la xiriirta xaalado ammaan darro oo ka jira, iyo iyadoo dhawaan lagu dilay Magaalada Muqdisho Askar ka tirsan Ciidamada Uganda ee ka howlgelaya Soomaaliya.

Danjirahan uu Mareykanka u soo magacaabay Arrimaha Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in uu si weyn u soo dhaweynayo in shir dib u heshiisiineed lagu qabto magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku heshiinayaan Beelaha Soomaaliyeed, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay rajo wanaagsan tahay in aaney Magaalada Muqdisho ka dhicin wax colaad ah muddo seddex asbuuc ah.

Ambassador John Yates waxaa uu sheegay in ay haatan jirto fursad weyn oo ah in uu guuleysto shirweynaha dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee la qabanayo bisha soo socota, wuxuuna caddeeyay in ay Dowladdiisa isku dayeyso in ay wada hadallo ka dhex furto Madaxda Dowladda Federaalka iyo Beelaha Hawiye.

Ergeygan oo muddo 40 sanadood ah ku soo dhex jiray arrimaha diblumaasiyadda, isla markaana ka soo shaqeeyay dalal dhowr ah oo ka tirsan Qaaradda Afrika ayaa wuxuu fariisinkiisa noqon doonaa magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya, halkaasi oo uu arrimaha Soomaaliya si KMG ah uga sii waday Danjiraha Mareykanka u fadhiya Dalka Kenya Mr. Micheal Rannebeger.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).