15.3 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Olole Nadaafadeed oo ka socda Waddooyinka Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img


Sabti, 19, May, 2007 (HOL) Olole nadaafadeed oo baaxad leh ayaa waxay ka socdaan waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo ololahaasna ay fulinayaan Haweenka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Amarka lagu nadiifinayo waddooyinka Muqdisho oo horay u ahaa kuwo aaney nadaafadooda wanaagsaneyn, isla markaana ay carro ka buuxsantay ayaa waxaa bixiyay Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir, kaasi oo bixinaya kharashka la siinayo haweenka ku guda jira howsha nadaafadeed.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu horay ugu guuleystay in uu hareeraha waddooyinka ka baneeyo sandaqo iyo guryo si sharci darro ah looga dhisay, kuwaasi oo ay ku ganacsan jiray ganacsato yar yar oo aan awoodin in ay kireystaan meelo ay ku ganacsadaan.

Tallaabada lagu baneynayo Waddooyinka Muqdisho, isla markaana lagu nadiifinayo ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka Muqdisho ku dhaqan oo iyagu haatan la yaaban bilicda ay waddooyinka Muqdisho leeyihiin kadib muddo 17 sano ah oo ay ahaayeen kuwo ciriiri ah oo ay qashin iyo carro ka buuxaan.

Maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda bilood ah ka talinayay deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxay ku guuleysteen in ay nadiifiyaan waddooyinka Muqdisho, inkastoo aysan hareeraha waddooyinka ka jebin sandaqadaha iyo guryaha sida sharci darrada ah looga dhistay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).