15.3 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Dadka Uganda oo dalbaday in Ciidamadooda laga saaro Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, May 19, 2007(HOL): Askartii Uganda ee ku geeriyootay magaalada Muqdisho ayaa markii meydadkooda la geeyay Magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda waxay keentay in ay Shacabka Uganda ay Dowladda u soo gudbiyaan dalab ah in Ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya.

Dalabkan oo si toos ah ugu socday madaxweyne Yoweri Moseveni ayaa wuxuu soo baxay kadib markii Dalka Uganda la geeyay meydadka Afar Askari oo ku geeriyootay Bambo Wadada Dhinaceeda loo geliyay iyo dhaawaca Shan Askari oo kale oo isla Bambadaas ku dhaawacmay.

Qoysaska ay Askartaas ka geeriyoodeen ayaa waxay magdhow ahaan u helayaan qoyskiiba 100,000 oo Doollarka Mareykanka ah, walow ay qoysaska Ciiidamada loo diray Soomaaliya ay  u muuqdaan kuwo aanan ku qanacsaneyn lacagta la siinayo kadib marka ay Wiilashooda dhintaan.

Aggrey Awori oo ka faalooda arrimaha Siyaasadda, isla markaana la taliye u ah Madaxweyne Yoweri Mosaveni ayaa sheegay in Uganda ay Ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya iyadoo gudaneysa waajibka saaran ee ku aadan in loo gurmado dalalka Afrika ee ay dhibaatooyinka ka dhacaan.

Horayna Wasiirka Difaaca Uganda Mr. Crispus Kiyonga ayaa sheegay in Uganda ay Ciidamadeeda kala bixi doonto Soomaaliya marka ay u dhamaato mudada ay Soomaaliya joogayaan oo ku eg bisha September ee soo socota, wuxuuna rajeeyay in xiligaas wixii ka dambeeya ay xilka kala wareegi doonaan Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Uganda ayaa Soomaaliya u dirtay Ciidamo gaaraya 1,500 askari, kuwaasi oo ku howlgelaya Magaca Midowga Afrika, iyadoo weli  la sugayo ciidamo ka imaanaa dalal dhowr ah oo horay u ballanqaaday in ay Ciidamo u dirayaan Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).