15.3 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Ciidamada Iitoobiya ee ku sugan Duleedka Magaalada Beledweyne oo yareeyay dhaqdhaqaaqooda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, 18, May, 2007 (HOL): Waxaa Maanta Inta badan laga waayay Goobaha wax laga Iibsado ee Magaalada B/weyn Ciidamada Itoobiya oo marka waagu baryo inta badan lagu arki jiray iyaga oo dhax lugeynaya meelaha laga Dukaameysto si ay u iibsadaan wax yaabaha ay u baahan yihiin  gaar ahaan Sarifka lacagaha Qalaad oo ay ku badashaan Shilika Soomaaliga.

 

Hoos u dhaca dhaq-dhaqaaqa Ciidamada oo ah mid lala xiriirinayo shaki  weyn oo ay ka qaadeen Ciidamadu Miinadii Maalintii dhalay laga soo saaray Goob aan ka fogeyn halka ay dagen yihiin, ayaa sidoo kale keentay in Mas’uuliyiita Maamulka Gobalka iyo Saraakiishuba howl-galiyaan Ciidamada Nabad-galyada si loola socda sida ay sheegeen Mas’uuliyiintu dhaq-dhaqaaqa kuwa ka soo horjeeda nabad-galyada Guud.

 

Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan Eng. Xuseen Mux’ed Maalin oo si gaar ah uga hadlay sida uu maamulkiisu u arko Isku dayga la doonayay in lagu qarxiyo  Miino dhulka hoostiisa lagu aasay, ayaa sheegay in Maamulkiisu darensan yahay cida arimaha ka danbeeysa soona abaabushay, waxaana uu tilmaamay in kaliya waxa la doonayo tahay in lagu wax yeeleeyo shacabka gobalka Hiiraan.

 

Gudoomiyuhu si rasmi ah carabka uguma uusan dhufan cid si gaar ah arintaa loogu eedeyn karo lakiin waxaa uu sheegay in mudo ah maamulka isha ku hayay kooxo doonaya qal-qal galinta nabad-galyada Guud.

 

Waxaa xusid mudan in Miinada laga soo saaray dhulka hoostiisa aheyn mid gacanta lagu fasameeyay kana kooban Biiyrooda Qaraxda iyo walxo kale oo laysku daray taasoo sarkiisha Itoobiyaanku ku sheegaan in laga yaabo in lagu dhax farsameeyay Gudaha gobalka ama meel kale, waxana markii ay soo saareen kadib ay mid mid u gubeen walxaha Miinadu ka koobneyd.

 

Dareenka iyo waliba Cabsida soo wajaday Ciidamada Itoobiya ee dhawaan fariisinka ka dhigatay Duleedka Magaalada B/weyn ayaan aheyn mid iyaga kaliya uun ku gooban ee xitaa waxaa shaki muujinaya shacabka ku dhaqan gudaha magalada oo marka aad la sheekeysato kuu sheegaya in aysan aheyn wax wanaagsan soo Ifbixitaanka kooxo ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya, waayo ayeey leeyihiin waxaa suurta gal ah in arimuhu isku badalaan gacan ka hadal saameeya bulshada gobalka.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).