15.9 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Wafdi uu la socday Ra’iisal Wasaare Geedi oo ka badbaaday Qarax Bambo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, May 17, 2007(HOL): Wafdi uu la socday Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa ka badbaaday Qarax Bambo, xili uu ku sii jeeday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa sheegay in wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo marayay agagaarka Wasaaraddii Waxbarashada ay labo nin ku tuureen Bambo Gacmeedyo aanan qarxin, wuxuuna caddeeyay in mid ka mid ah labadii nin gacanta lagu soo dhigay, halka midkii kalena uu baxsaday.

Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa marka wafdigiisa Bambooyinkaas aan qarxin lagu tuurayay waxaa uu ku sii jeeday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, halkaasi oo laga dhoofinayay meydadka Askar Uganda u dhashay oo ku geeriyooday Qarax shalay Muqdisho loogu geystay.

Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad lagu sii sagootinayay meydadka Askartaas ayaa waxaa uu cambaareeyay kooxihii ka dambeeyay qarixii ay askartaas ku geeriyoodeen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in kooxaha Qaraxaas ka dambeeyay ay ahaayeen cadawga Umadda Soomaaliyeed, isla markaana aan laga hari doonin.

Prof. Cali Maxamed Geedi waxaa uu dhinaca kale tacsi u diray qoysaskii, eheladii iyo weliba Dowladda Uganda oo ay Askartaas ka geeriyoodeen, wuxuuna farta ku fiiqay in aysan iloobi doonin abaalka ay Dowladda Uganda u gashay Dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa intii uusan u soo guurin Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho horaantii sanadkan waxaa jiray labo jeer oo uu Muqdisho yimid, isla markaana qaraxyo lala beegsaday, iyadoo mid ka mid ah qaraxyadaas loogu geystay Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho xili uu ka khudbeynayay, halka midka  kalena uu ka dhashay Bambo Wadada dhinaceeda loo geliyay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay haatan tahay mid ay qaraxyo ka dhacayaan, isla markaana la ugaarsanayo askarta iyo saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo lagu waxyeeleynayo qaraxyo iyo dilal gaadmo ah, waxaana shalay iyo maanta si gaadmo ah loogu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha labo Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).