15.9 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Dadka Magaalada Boorama oo ku diirsaday Adeeg Taleefoon oo ay ka heleen Shirkadda Isgaarsiinta Telsom Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, May 17, 2007(HOL): Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Telsom Somalia ee Magaalada Borama, waxaa markii u horeysay irdaha loo furay 12kii February 2000, xiligaasi oo ay magaalada ka shaqeyn jirtay shirkaddii Aerolite Somaliland Telecomunication oo la furey 1996.

Mudadii ka horeysay furitaanka shirkadda Telsom–Borama qiimaha gelinta Line-ka iyo iibka dirashada telefoonnada dibadda waxay ahaayeen kuwo aad u sareeya oo gaarayay $300(Saddex boqol oo dollars), sidoo kale qiima dirashada telephone-nnada dibadda wuxuu ahaa 2.5 $/min (Laba dollar iyo bar halkii minute).

Shacabka reer Awdal ayaa mar qura waxaa soo gaartay layr qabaw , kadib markii ay soo degtey shirkadda Telsom oo gebi ahaanba ka jabisay qiimayaashii aadka u sareeyey ee lagu gelin jirey Line-ka Telephone-nada iyadoo ka dhintey 80%(boqolkiiba siddeetan qiimihii hore loogu gelin jirey) , iyadoo ka dhigtey $60 (Lixdan dollars) sidoo kale qiimaha dirasha telephone-da dibadda wuxuu noqday $1(hal dollar), iyada oo hadda uu yahay 0.50 cents.

Shirkadda Telsom Company waa shirkaddii ugu horeysay ee ka hirgelisay adeegyada GSM ( Mobile) iyo Internet-ka dhammaan gobollada Somaliland, isla markaana muddo kooban ku gaarsiisay adeegyadaas macaamiisheeda ku nool dhammaan gobollada dalka.

Shirkadda Telsom ayaa mar walba waxay ku dadaalaysaa raaligelinta macaamiisheeda, iyadoo  dhawaan shirkaddu hirgelisay adeegyada kala ah: SMS International: (short message services) waa adeeg ay dadku u diri karaan fariimahooda oo qoraal ah asxaabtooda iyo qaraabadooda deggan dalka dibaddiisa,  Call Back Services: wa adeeg jaban oo loogu talagalay macaamiisha shirkadda ee deggan dalka dibadiisa , si ay uga faa’iidaystaan qiimaha telephone-nada.

 

Google Via Mobile: wa adeega baaraha Google oo aad ka gali karto mobile-kaaga. News: waa adeeg kuu sahlaya inaad wararka caalamka aad kala socon karto Mobile-kaaga.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, shirkadda Isgaarsiinta Telsom waxay adeeggeeda ku baahisay dhamaan gobollada dalka, waxayna dadka heysta taleefoonadeeda ay u sahashay in meel kasta oo ay joogaan toos loo wici karo, iyadoo aan wax nambar ah laga hormarin sida shirkadaha ah ee dalka ka jira, waxaana adeeggaas si weyn u soo dhaweeyay macaamiisheeda.

 

Abdifitahaam Ahmed
Email:
abdifitahaam@hotmail.com
Borama – Somaliland

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).