17.1 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Uganda oo ku baaqay in la de-dejiyo Ciidamada Afrikaanka ah ee Soomaaliya loo dirayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, May 16, 2007(HOL): Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Uganda oo shir jaraa’id ku wada qabtay magaalada Kampala ee Dalka Uganda ayaa waxay ugu baaqeen dalalkii horay u ballan-qaaday in ay Ciidamo u diraan Soomaaliya in ay de-dejiyaan ciidamada ay Soomaaliya u dirayaan.

“Waxaan ugu baaqeynaa Dalalkii horay u ballanqaaday in ay Ciidamo u diraan Soomaaliya in ay Ciidamadooda soo de-dejiyaan, waayo Ciidamada Uganda kaligood ayay joogaan Soomaaliya, weyna sameeyeen wax kasta oo ay karaan”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo caddeeyay in Ciidamada Uganda ee Muqdisho jooga ay gacan siinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waa in aan dhaqsi u dhisnaa Ciidamo Soomaaliyeed oo howsha nabad ilaalinta ah la wareega, maxaa yeelay Ciidamadan nabad ilaaliyayaasha ah weligood ma joogayaan Soomaaliya”ayuu isna yiri Madaxweynaha Uganda Yoweri Moseveni oo Ciidamo gaaraya 1,500 oo Askari u diray Soomaaliya.

Wadamada Burundi, Nigeria, Malawi iyo Ghana ayaa horay u ballanqaaday in ay Ciidamo u dirayaan Soomaaliya balse ilaa iyo haatan ma aysan shaacin xiliga ay rasmi ahaan Ciidamadooda u dirayaan Soomaaliya, marka laga reebo Dowladda Burundi oo sheegtay in daadgureynta Ciidamadeeda ay heysato caqabad ah dhinaca Dhaqaalaha.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo Dowladda Uganda uga tacsiyeeyay askari uga dhintay magaalada Muqdisho intii ay socdeen dagaalladii Muqdisho ka dhacay ayaa dhinaca kale waxaa uu carrabka ku dhuftay in marka ay soo dhameystirmaan Ciidamada nabad ilaalinta ah ee Soomaaliya loo dirayo ay dowladdiisa awood u yeelan doonto in ay la dagaasho wax uu ugu yeeray Cadawga Umadda Soomaaliya oo uu ku tilmaamay Muslimiinta Asal raaca ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Soomaaliya oo aan yeelan wax dowlad ah oo shaqeeya tan iyo wixii ka dambeeyay markii xukunka laga tuuray Dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa waxaa haatan ka jirta Dowlad Federaal ah oo ay kaalinayaan Ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo Deegaano ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya kula dagaalamay xoogag ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).