Arbaco, 16, May, 2007 (HOL): Nin ka tirsanaa ganacsatada yar yar ee gudaha Suuqa Bakaaraha ku leh sandaqadaha ayaa waxaa uu si gaadmo ah u toogtay nin ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee maalmahan ku howlahaa jebinta sandaqadaha laga dhisay hareeraha waddooyinka.
Ninkani ganacsatadaha ah oo soo qarsaday Bastoolad ayaa waxaa uu soo dhinac istaagay askariga uu dilay, kaasi oo amrayay in la sii wado howlsha burburinta sandaqadaha ah, taasina waxay keentay in uu ninkii ku hubeysnaa bastooladda uu rasaaseeyo askarigii, kadibna uu baxsado.
Falkan dilka ah oo ka dhacay qeybta loo yaqaano Waqda ee raashinka lagu iibiyo ayaa wuxuu si weyn u qalqal geliyay ganacsatadii halkaas ku sugneyd, kuwaasi oo ay soo dul degeen ciidamo badan oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo meesha ka qaaday Meydka askarigii dhintay, isla markaana dabagalay ninkii dilka geystay.
Magaalada Muqdisho ayaa shalay iyo maanta waxaa ka socda olole lagu jebinayo sandaqadaha iyo dhismooyinka sida sharci darrada ah looga dhisay hareeraha waddooyinka, iyadoo sidoo kalena ay howshan jebinta ah dhinac socoto howl nadiifin ah oo ay wadaan Haween ay soo abaabuleen Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Amarkan lagu baneynayo hareeraha Waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono ciddii lagu helo iyadoo dhismo sharci darro ah ku heysata hareeraha Waddooyinka wixii ka dambeeya 15-ka bishan May.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Waxaa soo kordheysa cabasho ka imaaneysa dad laga jebiyay hareeraha Waddooyinka, kuwaasi oo ku doodaya in aysan heysan meel ay u xoogsi tagaan, isla markaana ay ka soo saartaan nolol maalmeedkooda, walow uu maamulka gobolka Banaadir sheegay in dadkaasi la geyn doono meel ay ku ganacsadaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






