17.1 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Wariyayaal lagu toogtay Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, May 16, 2007(HOL): Wariyayaashan oo kala ahaa Abshir Cali Gabre iyo Axmed Xasan Mahad oo la socday wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Deelle ayaa shalay lagu toogtay Deegaano hoos yimaada Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wariyayaashan ayaa geeriyooday kadib markii ay maleeshiyooyin hubeysan ay rasaas ku fureen gaarigii ay la socdeen Wariyayaashan oo wafiga horkacayay, waxayna taasi keentay in ay hakadaan wafdigii Guddoomiyaha oo doonayay in ay socdaallo ku soo kala bixiyaan Degmooyin dhowr ah oo hoos yimaada Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka ay Wariyayaashan ku geeriyoodeen oo dhacay shalay Maqribnimadii ayaa waxaa kale oo ku geeriyooday 6 ruux oo ay ku jiraan maleeshiyooyinkii la socday Wafdiga Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Dhexe, waxaana lagu soo waramayaa in ay labada dhinac is-fahmeen kadib is-rasaaseyn dhexmartay oo socotay muddo saacad ku dhow.

Wariyayaashan ayaa waxay u shaqeynayeen Idaacadda Jowhar, iyagoo sidoo kalena wakiillo u ahaa Idaacadaha Qur’aanka Kariimka iyo SBC oo Magaalooyinka iyo Muqdisho iyo Boosaaso ku kala yaala, waxayna markii la rasaaseynayay ay ku guda jireen waajibaadkooda shaqo.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Deelle ayaa wuxuu doonayay in uu soo magacaabo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Warshiikh, Cadale iyo Raage Ceelle iyo weliba in uu soo xaliyo dagaal dhawaan ka dhex dhacay Beelo wada dega deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Geerida ku timid Wariyayaashan ayaa markii ay soo baxday waxaa si weyn uga naxay Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii yaqaanay, waxayna tacsi u dirayaan qoysaskii iyo eheladii ay labada Wariye ka geeriyoodeen. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).