Arbaco, May 16, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Bandow ku soo rogay Degmada Huriwaa oo ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo sababta bandowga loogu soo rogay degmadaasna lagu sheegay in ay ka soo cusboonaadeen falal nabadgelyo darro ah.
Qoraal ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in bandowga uu bilaabanayo 6-da Maqribnimo, isla markaana uu ku egyahay 6-da aroornimo, iyadoo dadka degmadaas ku dhaqanna loogu baaqay in ay u hoggaansamaan amarka ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.
Bandowgan lagu soo rogay Degmada Huriwaa ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo habeenkii xalay ahaa weerar Bambaano lagu qaaday saldhigga degmadaas, inkastoo aysan wax dhibaato ah soo gaarin askartii ku sugneyd Saldhigaas, waa sida uu shaaca ka qaaday Taliyaha Saldhiggaas Maxamed Cumar Maxamed.
Sidoo kalena, Bandowga lagu soo rogay Degmadaas ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo 14-kii bishan dil loo geystay Guddoomiyihii Degmadaas C/llaahi Shiikhow, kaasi oo uu toogtay nin bastoolad ku hubeysnaa oo in cabaar ah ku sugayay iridka gurigiisa.
Waa Degmadii ugu horeysay oo bandow lagu soo rogo tan iyo markii uu dhawaan Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi uu maamulka Gobolka Banaadir u magacaabay Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), kaasi oo isna dib u magcaabay Guddoomiyayaasha 16-ka Degmo ee Gobolka Banaadir
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






