17.1 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Askar ka tirsan Ciidamada Uganda oo ku geeriyooday Qarax Muqdisho ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, May 16, 2007(HOL): Afar Askari oo ka tirsan Ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa geeriyootay, tiro kale oo intaas ka badanna waa ay dhaawacmeen kadib markii ay ku qaraxday Bambo loo geliyay Wadada dhinaceeda, sida uu xaqiijiyay Peter Elwelu oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Uganda ee Muqdisho ku sugan.

Qaraxa ay waxyeelada ka soo gaartay Ciidamada Uganda ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Masjidkii Arbaca Rukun iyo Hotelkii Curuba, iyadoo marka uu qaraxaas dhacayayna ay Ciidamada Uganda halkaas ku marayeen socod roondo ah oo ay ku sugayeen Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada Uganda ee Muqdisho jooga Captain Paddy Ankunda ayaa xaqiijiyay in ay afar askari ka geeriyoodeen, sidoo kalena ay ka dhaawacmeen ilaa shan askari, kuwaasi oo haatan dhaawacooda lagu daweynayo Isbitaal ay Ciidamada Uganda leeyihiin oo Muqdisho ku yaala.

Waxaa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in dhimashada soo gaartay Ciidamada Uganda ay intaas ka badan tahay, isla markaana ay askarta geeriyootay tiradoodu dhan tahay 8 askari. Waa markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Uganda waxyeello ka soo gaarto tan iyo markii ay Muqdisho soo gaareen, inkastoo maalintii ay ka soo degayeen garoonka Diyaaradaha Muqdisho lagu soo dhaweeyay madaafiic hoobiyayaal ah, halka maalintii xigtayna lagu weeraray Wadada ka tagta Isgoyska KM4 ee u baxda dhinaca Garoonka DIyaaradaha Muqdisho.

Ciidamada Uganda oo bilaabay in ay ku socdaan waddooyinka Magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyay markii uu soo af-jarmay dagaalkii Muqdisho ka dhacay seddex asbuuc ka hor ayaa waxay maalmahan ku mashquulsanaayeen qarxinta miinooyinka la geliyay dhulka la geliyay xiligii ay dagaallada ka socdeen magaalada Muqdisho, iyagoo mararka qaarkoodna sameyn jiray howlgallo nabad-sugid ah.

Ciidamada Uganda ee Magaca Midowga Afrika uga howlgelaya Dalka Soomaaliya ayaan iyagu ka qeybqaadan dagaalladii Muqdisho ka dhacay, wuxuuna doorkooda ku ekaa in ay daweeyaan dhaawacyadii ka dhashay dagaalladii Muqdisho ka dhacay iyo in ay biyo u qeybiyaan dadkii Muqdisho ka barakacay ee u hayaamay dhinaca Wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya miinooyinka waddooyinka la geliyo ee lagu waxyeeleeyo gaadiidka ay wataan mas’uuliyiinta iyo saraakiisha Ciidmada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba gaadiidka ay wataan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).