Talaado, May 15, 2007(HOL): Wasiirka Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay diyaarineyso halkii lagu qaban lahaa shirka Dib u heshiisiinta ah ee ay ku baaqday.
Maareeye waxaa uu sheegay in shirkaasi uu ku qabsoomi doono mudada loo qabtay oo ah 14-ka Bisha June ee soo socota, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haatan la qorsheynayo in la dhiso halkii lagu qaban lahaa shirkaas oo uu xusay in ay ka qeybgelayaan ergooyin ka socda Beelaha Soomaaliyeed iyo cid kasta oo nabadda Soomaaliya jecel.
Wasiirka ma aanu sheegin goobta ay Dowladda Federaalka u dhiseyso qabashada shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, hayeeshee Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wafdi la socday ayaa booqday dhowr goobood oo la isku soo qaaday in shirkaas lagu qaban karo, waxaana goobahaasi ka mid ah Tiyaatarkii Qaranka, Garoonka Kubadda Cagta Conis, Xaruntii Gaadiidka Booliska iyo Xarunta Golihii Shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka waxaa uu sheegay in la hayo qeyb ka mid ah dhaqaalihii shirkaas lagu wadi lahaa oo laga helay deeq bixiyayaasha caalamka qaarkood, wuxuuna caddeeyay in howsha qaban qaabada shirkaas uu gacanta ku hayo Guddi ay Dowladda Federaalka u magacawday oo uu guddoomiye u yahay Cali Mahdi Maxamed.
Shirka dib u heshiisiinta ah ee ay Dowladda Federaalka ku baaqday ayay ahayd in la qabto bartamaha bishii aynu ka soo gudubnay ee April, hayeeshee qabashada shirkaas dib loogu dhigay sababo la xiriiray in ay Magaalada Muqdisho ka socdeen Dagaallo u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo kooxo ka soo horjeeda iyo weliba iyadoo aan la helin dhaqaalihii shirka lagu qaban lahaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






