Talaado, May 15, 2007(HOL):Maleeshiyooyin hubeysan oo ku labisnaa dharka Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxay weerar ku qaadeen xarunta Hay’adda WHO ee magaalada Muqdisho, iyagoo halkaasina ku dhaawacay mid ka mid ah ilaaladii xarunta Hay’adda joogay.
Maleeshiyooyinkan qabay labiska aan koontaroolneyn ee Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa rasaas ku furay xarunta Hay’adda WHO, kadibna waxaa iska caabiyay oo ay is-rasaaseeyeen qadar daqiiqado ah ilaalada Xarunta, kuwaasi oo ku guuleystay in ay iska ceyriyaan kooxihii soo weeraray.
Lama oga ujeedada ka dambeysay weerarkaas, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiinta Hay’adda WHO ee ku sugan Magaalada Muqdisho. Xarunta Hay’adda ayaa saakay si caadi ah howlaheeda u wadatay, inkastoo aysan u shaqo tegin mas’uuliyiinta sare ee Hay’adda.
Waa dhacdadii labaad oo muddo 24 saac gudahood ah ay geystaan maleeshiyooyin ku labisan dharka Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, shalay duhurradii ayayna ahayd markii maleeshiyooyin ku soo labistay dharka Ciidamada Dowladda Federaalka ay dhac ka geysteen gudaha Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Dawada, iyadoo ka sii horna ay jireen kooxo burcad ah oo dadka dhac u geysan jiray iyagoo qaba dharka Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa muuqata dan-ka-gelis la’aan ay ku dhaqmayaan saraakiisha sare ee Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo laga doonayay in ay xakameeyaan Ciidamada ay Dowladda ku soo deysay Magaalada Muqdisho, isla markaana aan u dhaqmeynin sida Ciidamo Dowladeed oo kale.
Waddooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood ayaad ku arkeysaa labo dhalinyaro ah oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo ku kala labistay Shaarka iyo Surwaalka lagu aqoonsado Ciidamada Dowladda Federaalka, waxayna taasi muujineysaa in Ciidamada Dowladda qaarkood ay yihiin maleeshiyooyinkii Muqdisho oo Ciidan ahaan loo qoray.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Waa ay sii soconayaan Dhibaatooyinka lagu geysanayo dharka Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay cid kasta heli karto, haddii aaney Dowladda bedelin labiska kala ceynka ah ee ay dhowrka Dowladood mucaawino ahaanta uga soo heshay, waxaana hubanti ah in haddii hal labis oo isku nooc ah loo helo Ciidamada Dowladda Federaalka ay taasi meesha ka saari doonto in la iska labisto Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






