17.1 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Midowga Yurub oo codsi u jeediyay Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ka soo horjeeda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, May 15, 2007(HOL): Wasiirrada Arrimaha Dibadda wadamada Midowga Yurub oo shir ka yeeshay arrimaha Soomaaliya ayaa gunaanadkii shirkooda waxay ka soo saareen baaq ay u direen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda.

Wasiirradu waxay ka codsadeen Dowladda Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda ee horay ugu dagaalamay magaalada Muqdisho in ay xabadda joojiyaan, isla markaana ay suurtageliyaan jawi ay Hay’adaha Gargaarka ugu gurman karaan dad kumaan kun ah oo ku barakacay Dagaalladii Muqdisho ka dhacay.

Dagaalkii Muqdisho ka dhacay ayaa la sheegaa in ay ku barakaceen dad dhan 400,000 oo ruux, sidoo kalena ay ku naf waayeen dad lagu qiyaasay ilaa 1,670 ruux, kuwaasi oo u badnaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan, sidaas darteed ayay wasiirradu ugu baaqeen dhinacyadii Muqdisho ku dagaalamay in ay qaadaan xayiraadaha ku horgudban hay’adaha Samafalka oo u gurman lahaa dadkaasi barkacay ee ay nolosha ku adkaatay.

Tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii Muqdisho ka dhacay seddex asbuuc ka hor waa markii ugu horeysay oo ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Midowga Yurub shir ka yeeshaan arrimaha Soomaaliya , isla markaana ay baaq u soo jeediyaan dhinacyadii Muqdisho ku dagaalamay oo ay si gaar ah ugu adkeeyeen in ay joojiyaan wax kasta oo colaad keeni kara.

Dhanka kalena, Xiriiriyaha Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya Mr. John Holmes ayaa ku baaqay in la qabto shir dib u heshiisiineed oo laga wada qeybgalo, kaasi oo haddii uu qabsoomo keeni kara nabad waarta oo Soomaaliya ka dhalata.

Mr. John Holmes ayaa soo dhaweeyay hadal ay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya dhawaan sheegeen kaasi oo ahaa in shirka dib u heshiisiinta ah ee la qaban doono 14-ka bisha soo socota ay ka qeybgeli doonaan rag ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka. John Holmes ayaa hadalkan jeediyay kadib socdaal gaaban oo uu Muqdisho ku tegay, inkastoo uu socdaalkiisa soo gaabiyay kadib markii ay magaalada Muqdisho ka dhaceen qaraxyo ay qaarkood waxyeello ka soo gaartay Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Baaqyadan ka imaanaya Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo gacan ku heynta Magaalada Muqdisho ay la wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana dhawaan la qorsheynayo in Muqdisho lagu qabto shir dib u heshiisiin ah oo ay ka qeybgelayaan ergooyin gaaraya 3000 oo ergay, kuwaasi oo ka imaan doona Beelaha Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).