Isniin, May 14, 2007(HOL): Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah Imaamka Beelaha Abgaal iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba baxay degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ay ka sii aadi doonaan deegaano hoos yimaada Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay dagaallo ka dhaceen.
Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ay wafdigiisa xubno ka ahaayeen Odayaasha Beelaha Deegaanadaas ku dagaalamaya iyo Odayaal kale oo dhexdhexaad ah ayaa wuxuu sheegay in ay rajo weyn ka qabaan in ay colaaddaas joojiyaan, isla markaana ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafka soo kala dhexgalay beelaha halkaas ku dagaalamaya.
Dagaalka ka qarxay deegaanada hoos yimaada Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wuxuu salka ku hayaa muran dhinaca dhulka ah, kaasi oo muddo soo jiitamayay, isla markaana haatan isu bedelay dagaal ay dad badan ku dhinteen. Deegaanada ay Dagaallada ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah Xaaji Cali, Ceel Muruq iyo Labo Garas, kuwaasi oo dhamaantood hoos yimaada Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dhanka kalena, Maamulka cusub ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ee uu madaxda ka yahay Maxamed Cumar Deelle ayaa isna wuxuu wadaa dadaal aad u weyn oo ku saabsan sidii dagaalladaas loo joojin lahaa, isla markaana dhinacyada dagaalka uu u dhaxeeyo khilaafkooda wada hadal loogu dhameyn lahaa. Maxamed Cumar Deelle ayaa sheegay in dagaalka dhacay uu yahay mid murankiisa uu iyaga ka horeeyay balse ay dadaalkooda isugu geynayaan sidii dagaalladaas loo joojin lahaa.
Dagaalka ka dhacay deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maamul cusub loo magacaabay Gobolka, iyadoo la xusuusan yahay in xiligii uu talinayay Maamulkii Maxamed Dheere ay yaraayeen dagaallada ka dhaca deegaanada hoos taga Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






