16.8 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Mas’uuliyiinta Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud oo sheegay in dagaaladii ka dhacay dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay ka dambeeyeen mas’uuliyiin ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, 14, May, 2007 (HOL): Iyada oo wali qeybo ka mid ah dhulka Ismaamulka Itoobiya, gaar ahaan goobihii ay ka dhaceen dagaaladii ugu danbeeyay ay ka taagan yihiin xiisado aan dhamaan, ayaa waxaa markii ugu horesay si isku mid ah uga hadlay dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Baar-magoog Mas’uuliyiinta maamulada Gobalada Gal-gaduud iyo Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Eng. Xusen Mux’ed Maalin (Ayax) oo la hadlayay war fidyeenka ayaa sheegay in dagaalkii dhawaan dhacay maamulku u arkayo mid ah ku lug la haayeen sida uu hadalka u dhagay kooxihii ka soo baxsaday dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho oo doonaya ayuu yiri in mar kale dagaalo ka abuuraan deegaano cusub waxaana uu intaa ku daray in dagaaladii ugu danbeeyay ee dhacay ay hogaaminayeen Rag caan ah oo sida uu sheegay ka tirsanaa Midowgii Maxkamadaha, lakiin carabka kuma uusan dhufan Ragaasi uu tilmaamay.

Dhanka kale waxaa uu intaa ku daray gudoomiyuhu in maamulkiisa iyo waliba Ciidamada Itoobiya aritaa ka wada hadleen dhawaana la wajihi doono sidii wax looga qaban lahaa.

Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Guri-ceel oo u warmayay mid ka mid ah Idaacadaha Gudaha ayaa sheegay in dagaladii dhawaan dhacay ay ku jireen Mas’uuliyiin sare oo ka tirsanaa Midowgii Maxkamadaha isaga oo gaar ahaan carabka ku dhuftay Aadan Xaanshi Ceyrow oo uu sheegay in uu ku sugan yahay qeybo ka mid Gobalka Gal-gaduud, dhanka kale waxaa uu intaa raaciyay in dhawaan dhawaacii laga keenay dagaalkii dhacay ee la soo gaarsiiyay Isbitaalka Degmada Guri-ceel uu ka mid ahaa mas’uul caan ah oo hogaan u ahaa Ciidamadii Maxkamadaha ee Deegaanka Jawiil.

Hadalada isku mid ah ee ka soo yeeray mas’uuliyiinta maamulada Gobalada Gal-gaduud iyo Hiiraan ayaa muujinaya in dagaalkii dhawaan dhacay uu ahaa mid ka sal-balaaran kuwii horay halkaa uga jiray, walow dhanka kalana aan meesha laga saari karin in wali arimuhu ku saleysan yihiin Deegaan iyo waliba Daaqsin.

Si kastaba arimaha haloo fasiro waxaa xusid mudan in uu jiro xiriir wali u socda beelihii dhawan halkaa ku dagalamayay kuwaasoo xooga saaraya sidii xaalada loo soo afjari lahaa, iskatoo hadana daalkaasi la oran kari waa uu miro dhalay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).