Isniin May 14, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in uu Ciidamadiisa kala bixi doono Dalka Soomaaliya marka ugu horeysa oo ay dalka Soomaaliya tagaan Ciidamo ka socda Midowga Afrika, kuwaasi oo ku biiraya Ciidamada Uganda ee jooga Magaalada Muqdisho.
Meles Zenawi waxaa uu sheegay in Ciidamadiisa ay ka bixi doonaan Magaalada Muqdisho marka ugu soo horeyso ee la helo ciidamo ka socda Midowga Afrika, wuxuuna beeniyay in go’aankiisan ciidamo kala bixista Soomaaliya ay gadaasha ka riixeyso Dowladda Mareykanka oo iyada la sheego in ay bixiso dhaqaalaha ku baxaya Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Soomaaliya jooga.
Ma ahan markii ugu horeysay ee uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi uu ku dhawaaqo in uu Ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya, wuxuuna hadalkan oo kale uu sheegay bishii Maarso ee sanadkan, xiligaasi oo uu caddeeyay in uu dalka Soomaaliya ka bixinayo seddex meelood labo ciidamada ka jooga Soomaaliya.
Midowga Afrika oo laga filayay in ay Ciidamo nabad ilaaliyayaal ah oo gaaraya 8000 oo Askari ay u diraan Soomaaliya ayaa ilaa iyo haatan waxaa Ciidamo u diray dalka Soomaaliya Dowladda Uganda oo kaliya, taasi oo dirtay 1,500 oo Askari oo ka mid ah 1,700 Askari oo ay uga qeyb-qaadaneyso howlgalka nabad-sugidda ah ee ay Ciidamada Midowga Afrika ka fulinayaan Soomaaliya.
Taasina waxay keentay in ay Ciidamo ka socda Dowladda Itoobiya ay gacan siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay la dagaalamaan cid kasta oo ka hor-timaada, iyadoo ay xusid mudan tahay in dad fara badan oo ku dhintay dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay ay ka qeybqaateen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysnaa hub waxyeello badan geystay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dalalka Burundi, Nigeria, Malawi iyo Ghana oo laga sugayay Ciidamo ay u diraan Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in ay heystaan dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha iyo qalabka ah, sidaas darteedna aysan duruufta u saamaxeynin in ay Ciidamo u diraan Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






