17.1 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Guddoomiyihii Degmada Huriwaa oo xalay Gurigiisa lagu dilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, May 14, 2007(HOL): Nin ku hubeysnaa Bastoolad ayaa xalay toogasho ugu geystay Magaalada Muqdisho Guddoomiyihii Degmada Huriwaa marxuum C/llaahi Shiikhow, xili uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaala Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.

Dad ka dhawaa halka marxuumka lagu dilay ayaa waxay sheegeen in nin ku hubeysnaa bastoolad uu marxuumka dhowr xabadood ku dhuftay, kuwaasi oo uu u geeriyooday. sidoo kalena Dadkani goob joogayaasha ah waxay sheegeen in dilka marxuum C/llaahi Shiikhow uu ahaa mid qorsheysnaa bacdamaa ninka dilay uu cabaar ku sugayay gurigiisa agtiisa.

Marxuum C/llaahi Shiikhow ayaa wuxuu ka mid ahaa Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, wuxuuna xilka loo magacaabay ee Degmada Huriwaa uu hayay muddo gaaban kadib markii uu xilkaas dhawaan u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Ma ahan mas’uulkii ugu horeeyay ee ka tirsan Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo toogasho lagu dilo, waxaana horay loo toogtay Guddoomiyihii Degmada Yaaqshiid iyo Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Wada-jir, iyadoo dhamaan dilalkaasina la sheegay in ay u muuqdaan kuwo abaabulan.

Dilka marxuumkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Degmooyinka Gobolka Banaadir la howlgelinayo, isla markaana guddoomiyayaasha loo magacaabay Degmooyinka Gobolka la faray in ay shaqeeyaan adkeynta nabadgelyada iyo weliba sidii loo soo nooleyn lahaa adeegyada ay Bulshada u baahan tahay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Gobolka Banaadir oo ku saabsan dilka xalay Muqdisho loogu geystay Guddoomiyihii Degmada Huriwaa Marxuum C/llaahi Shiikhow.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).