16.8 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Dagaal ay Dad ku dhinteen oo ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, May 13, 2007(HOL): Dagaallo ay ku dhinteen ugu yaraan 6-ruux ayna ku dhaawacmeen tiro kale oo fara badan ayaa ka dhacay Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe iyadoo dagaalladaasna ay sababeen in la gubo beero iyo guryo ku yaalla deegaannada lagu dagaalamay.

Wararka ka imaanaya Degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in dagaalladaan ay ka dhaceen deegaanno lagu kala magacaabo Ceel-muruq iyo Laba-garas, waxaana dagaalladaan oo u dhexeeya laba jufo oo ka soo wada jeeda beesha Abgaal ay ka dhasheen aanooyin hore oo kala gaaray labada beelood.

Odayaasha dhaqan ee ka soo jeeda deegaannada ay dagaalladu ka dhaceen ayaa sheegay inay wadaan dadaallo ay ku doonayaan inay dambiyaan colaadda aadka u qaraar ee u dhexeysa labadaas beelood ee halkaas wada deggen.

Beelahaan dagaallamay ayaa waxaa la sheegay inay dhowr jeer oo hore dagaallo noocan oo kale ah ku dhex mareen deegaannada ay hadda ku dagaalamayaan, waxaa weli socda dagaalka iyadoo ay ka carareen deegaannadaas dadweyne fara badan oo ku dhaqan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).