Axad, May 13, 2007(HOL): Madax ka socota Wadadmada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD oo shir ku yeeshay Dalka Jabuuti ayaa waxay gunaanadkii shirkooda isla guddoonsadeen in ay la dagaalamaan waxa loogu yeero argagixisada.
Kulankan ay isugu yimaadeen madaxda ka socotay Urur Goboleedka IGAD oo ay si goob-joogayaal ah ugu qeybgaleen mas’uuliyiin ka socday Wadamada Reer Galbeedka qaarkood, kuwaasi oo u ballanqaaday Wadamada IGAD in ay ka kaalmeyn doonaan dhinaca dhaqaalaha.
Dowladda Jabuuti oo uu dalkeeda ku yaalo saldhig ay leeyihiin ciidamada Mareykanka oo qaabilsan la dagaalanka argagixisada Geeska Afrika ayaa waxay sheegtay in Gobolka Geeska Afrika ay soo food saari karto khatar ka imaaneysa argagixisada, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in loo guntado sidii loola dagaalami lahaa kooxaha argagixisada.
Urur Goboleedka IGAD oo ka kooban 7 Dowladood ayaa waxaa dhawaan in ay ka baxday shaacisay Dowladda
Urur Goboleedka IGAD oo ka kooban Wadamada Itoobiya, Kenya, Somalia, Jabuti, Sudan, Uganda, iyo Eritrea ayaa u muuqda mid aan wax muuqda ka qaban dhibaatooyinka ka taagan Gobolka Geeska Afrika, waxaana mar kasta la maqlaa shirar ay leeyihiin Wasiirradiisa Arrimaha Dibadda oo shirar maalin ama labo maalmood ah yeeshay, kadibna soo saaray heshiisyo aan qodobadooda gadaal loo sii raacin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com






