16.8 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Waa sidee Xaalka Jowhar kadib maamulladii Maxamed Dheere iyo midkii Maxkamadihii Islaamka?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, May 12, 2007(HOL): Maamulka Cusub ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa markii ugu horeysay wuxuu soo saaray amar ah in aan Magaalada Jowhar lagu qaadan karin wax hub ah.

Amarkaas ayuu maamulka cusub ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ku sheegay mid wax looga qabanayo ammaanka Gobolka oo soo maray xili kala guur ah oo u dhaxeysay intii ay gobolka taladiisa isaga dambeeyeen Maamulkii uu madaxda ka ahaa Maxamed Dheere iyo midkii Maxkamadihii Islaamka.

Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa saakay waxaa ka bilaabatay howl canshuur uruurin ah, iyadoo la arkayay Ciidamo Minishiibiyo ah oo goobaha ganacsiga canshuur ka qaadayay.

Ciidammadan Minashibiyada ah ayaa waxay howshooda canshuur uruurinta ah wateen iyagoo gacmaha ku wada warqada canshuuraadka lagu qaado, waxaana tani ay ka dambeysay markii maamulka cusub ee la wareegay gacan ku haynta Shabeellada Dhexe uu shalay sheegay in canshuuraadkii laga billaabayo Jowhar, lana sugayo ammaanka gobolka oo dhan.

Dadka ku dhaqan Magaalada Jowhar oo iyagu marba soo dhaweynayay madax loo sheegay in ay hoggaan u noqon doonaan ayaa waxay soo dhaweeyeen canshuurta uu ku soo rogay Maamulka cusub ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Deelle ayaa dhawaan mar uu ka hadlayay xaflad uu xil kula wareegayay waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu wax ka qaban doono ammaanka, sidoo kalena uu xiriir wada shaqeyneyd la yeelan doono maamullada gobollada la deriska ah sida Hiiraan, Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).