Sabti, May 12, 2007(HOL): Dowladda Uganda ee Madaxweyne Yoweri Mosaveni ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan Dalka Soomaaliya, gaar ahaana caasimadad Muqdisho.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Uganda Crispus Kiyonga oo u warramay warbaahinta dalka Uganda qaarkeed ayaa sheegay in ciidammada dalkiisa ay sii joogayaan Soomaaliya, isagoo sheegay inay nabadda Muqdisho wax weyn ka badalayaan.
Wasiirka waxaa uu carrabka ku dhuftay in inkastoo aysan ciidammadiisa helin mushaaraadkii ay ka sugayeen Midowga Afrika, hadana in ay sii wadayaan howlgalka Nabad-sugidda ah ee ay u joogaan Soomaaliya.
“Ciidammadeenna waxay baaqi ku sii ahaan doonaan Soomaaliya, waxayna ku simayaan inta ay ka imaanayaan ciidammo ka socda Qarammada Midoobay, kuwaasoo aan howlaheenna Soomaaliya ku wareejin doonno” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga ee Uganda Crispus Kiyonga.
Hadalkan uu sii daayay Wasiirka ka tirsan Xukuumadda Uganda ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Baarlamaanka Uganda uu sheegay in ay Ciidamadooda kala baxayaan Soomaaliya iyo iyadoo sarkaal u hadlay Ciidamada Uganda uu soo qadimay cabasho ku saabsan in aaney Ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga helin mushaaraadkii loo ballanqaaday.
Dowladda Uganda oo ka mid ah dalal Dhowr ah oo ballanqaaday in ay Soomaaliya u dirayaan Ciidamo nabad ilaaliyayaal ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka jooga Ciidamo tiradoodu dhan tahay 1,500 oo Askari, kuwaasi oo qabtay howlgallo u badan dhinaca u Samafalka dadkii ku barakacay dagaalladii Muqdisho ka dhacay iyo kuwii ku dhaawacmay intaba.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






