Sabti, May 12, 2007(HOL): Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa daboolka ka qaaday inay la shaqeynayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir, si nabad loogu soo dabaallo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa hadalkan soo saaray kadib kulan ay la qaateen mas’uuliyiinta Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir, kuwaasi oo uu ka dhex muuqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere.
Maxamed Dheere oo kulankaas ka hadlay ayaa u sheegay ganacsatada in looga baahan yahay in ay dhaqaale ku kaalmeeyaan maamulka Gobolka Banaadir, si loo sugo ammaanka Gobolka Banaadir.
Kulankan dhexmaray maamulka Gobolka Banaadir iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo dhawaan Maxamed Dheere uu ku eedeeyay qaar ka mid ah Ganacsatada Gobolka Banaadir in ay ka dambeeyaan af-duub loo geystay Markab lagu magacaabo Maria Queen, kaasi oo badeeco u soo sitay Dekedda weyn ee Muqdisho.
Ganacsatada Gobolka Banaadir oo ay iyaguna u hadleen Mas’uuliyiin sare ayaa waxay sheegeen in ay si weyn u soo dhaweynayaan hadalka Maamulka Gobolka Banaadir, iyagoo caddeeyay
inay nabadda Muqdisho kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka, gaar ahaan maamulka cusub ee Gobolka Banaadir, waxaana ay sheegeen inay bixinayaan lacagaha uu maamulka codsaday.
Laakin waxay ganacsatada ka codsadeen maamulka gobolka Banaadir inuu ciidammo nabadda adkeeya soo dhigo waddooyinka soo gala Suuqyada waa weyn ee magaalada Muqdisho sida Bakaaraha iyo Suuq Bacaad, kuwaasi oo ay sheegeen in ay ku soo bateen kooxo burcad ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com






