16.8 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Saraakiisha Itoobiya iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan oo wada hadal ka yeeshay xiisadda ka oogan Gudaha Dhulka Ismaamulka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, May 11, 2007(HOL):  Kulan Saacado badan qaatay loogana hadlayay Dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Deegaanka Baar-magoog ee dhulka Ismaamulka Soomaalida ayaa waxaa uu dhax maray Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee Fadhigoodo yahay Duleedka Magaalada B/weyn iyo  Mas’uuliyiinta Maamulka heer Gobal iyo Degmo ee Gobalka Hiiraan.

 

Kulanka oo ahaa mid siweyn loogu lafa guray dirirta  soo noq-noqotay ee ka tagaan Gudaha Dhulka Itoobiya ayaa inta badan diirada lagu saaray sidii ay fara galin ugu sameyn lahaayeen Ciidamada Itoobiya simarkaa loo joojiyo dhiiga daadanaya islamarkaana dhinacayada is haya loo wada hadashiiyo.

 

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka ee kulanka ka qeyb-gashay ayaa iyagu ku tilmaamay dagaalka ka socda Deegaanka Baar-magoog in uu yahay mid ka baxsan is qab-qabsi deegaan iyo wax la mid ah, lakiin hada xaalku u muuqdo mid siyaasadeed  kadib markii sida hadalada loo dhigay ay ku lug yeesheen dagaalka Beelo kale oo ka baxsan kuwii horay halkaa ugu dagaalamay, sidaa daradeed ay lama huraan tahay in Ciidamada Itoobiya arintaasi soo fara galiyaan.

 

Laakiin wararka hoose ee soo garaya HOL ayaa sheegaya in Saraakiisha Itoobiya ku wargaliyeen Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka in ay ka warqabaan qaabka dagaalku u dhacay,  Balse aysan talaabo qaadi karin iyaga oo aan amar ka helin Mas’uuliyiinta Itoobiya iyo kuwa Dowlada Federaalka, “Anagu Qoshaheena ma’aha in aynu faragalino Beelaha amar la’aan” ayeey ku wargaliyeen Saraakiishu Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka Hiiraan.

 

Sikastaba kulanka dhax maray Sarkiisha Itoobiya iyo waliba Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka Hiiraan oo ahaa mid aan si dhab ah loo wada ogaan karin wax yaabaha layskula soo qaaday oo idil ayaa hadana waxaa muuqta in arimaha qaar laysla fahmay halka ay jiraan qodobo waliba dhiman oo ay ka cudur daarteen dhinaca Ciidamada Itoobiya, waxaa xusid mudan in Sarkiisha Itoobiya ay siweyn uga xumaadeen dagaalka ka dhacay deegaanka Baar-magoog iyo  waliba wajiga la tilmaamay in uu isku sii badalayo dagaalka.

 

Dhanka kale wararkii ugu danbeeyay ee soo baxaya ayaa sheegaya in xaaladu hada degan tahay walow wali ciidamadu isku hor fadhiyaan goobihii ay ku dagaalameen, ilaa hadana ma’jiro dadaal nabadeed oo socda si markaa xiisada loo soo afjaro.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).