Jimco, May 11, 2007(HOL): Mas’uuliyiinta Maamulka cusub ee Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo kuwa Hay’adaha Samafalka ee gobolka ka howlgala ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Jowhar waxaa ay uga wada hadleen sidii gurmad loogu fidin lahaa dad ay waxyeello ka soo gaartay Fatahaad uu sameeyay Webiga Shabeelle iyo weliba sidii loo joojin lahaa Fatahaadda uu sameynayo Webiga Shabeelle.
Fatahaaddan uu sameeyay Webiga Shabeelle ayaa waxay qarka u saaran tahay in ay go’do wadada isku xirta Gobollada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan, iyadoo sidoo kalena ay Fatahaadda waxyeeleysay Beero dhowr ah oo ay ku tacbanaayeen dalagyo kala duwan.
Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe C/llaahi Wehliye Caadle oo shirkaas ka qeybgalay ayaa saxaafadda u sheegay in markii ay eegeen dhibaatada ay geysaneyso Fatahaadda uu sameynayo Webiga Shabeelle ay go’aansadeen in ay isu yimaadaan iyaga iyo Hay’adaha Samafalka, isla markaana ay ka wada hadlaan sidii arrintaas wax looga qaban lahaa, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay shirkaasi kala qeybgaleen Wakiillo ka socday Hay’ado UN-ka ka tirsan iyo kuwo wadani ah.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle Dhexe Maxamed Cumar Deelle ayaa mar uu dhawaan ka hadlayay xaflad xilka Guddoomiyenimada Gobolka lagula wareejinayay waxaa uu sheegay in ay wax ka qaban doonaan Baahida ay Bulshada u qabaan in ay helaan nabadgelyo iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin, wuxuuna caddeeyay in ay xiriirro la sameysan doonaan Gobollada la deriska ah sida Hiiraan, Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.
Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa muddo shan sanadood ah waxaa ka talinayay oo Guddoomiye ka ahaa Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo isagu Gobolka gacanta ku dhigay isagoo ay ka jireen dhibaatooyin u badnaa amni darro, kadibna waxaa uu ku soo dabaalay amni la isku haleyn karo oo hay’ado badan oo samafal ah ku dhiirigeliyay inay xafiisyo ka furtaan, kuna shaqeeyaan, ilaa ay aakhirkii u soo guurto qeyb ka mid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online






