15.2 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Dowladda Federaalka iyo UN-ka oo ka wada hadlay Dib u heshiisiinta Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, May 11, 2007(HOL): Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Francois Lonseny Fall oo maanta gaaray caasimadda dalka soomaaliya ee Muqdisho ayaa kulamo la qaatay madaxda Dowladda  Federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed.

 

Kulan saacado qaatay oo ay labada dhinac yeesheen ayay uga hadleen arrimo ku saabsan shirka dib u heshiisiinta ah ee 14-ka bisha soo socota ka dhici doona magaalada Muqdisho, kaasi oo ah mid ay horay ugu baaqday dowladda Federaalka.

 

Qodobo kale oo ay labada dhinac isla soo qaadeen ayaa waxaa ka mid ahaa sidii uu UN-ka qeyb uga qaadan lahaa sidii dalka Soomaaliya loo geyn lahaa Ciidamo ka socda Midowga Afrika, kuwaasi oo wadamadii ballanqaaday qaarkood ay heysato dhibaato dhinaca dhaqaalaha ah.

 

Sida ay kulankaasi kadib saxaafadda u sheegeen Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Francois y Fall waxaa uu ku soo dhamaaday kulankii ay labada dhinac yeesheen jawi is-af-garad leh oo ay ka wada maqsuudeen.

 

14-ka Bisha June ee soo socota ayaa la qorsheynayaa in magaalada Muqdisho lagu qabto shirweyne dib u heshiisiineed oo ay ka qeybgelayaan ilaa 3000 oo ergay, kuwaasi oo ka kala imaan doona dhamaan Qabaa’illada Soomaalida, iyadoo shirkaasina ay Dowladda Federaalka u xilsaartay Guddi madax bannaan oo uu Guddoomiye u yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu shirkan dib u heshiisiinta ah iclaamisay waxay sheegtay in shirkaas ay isku saamaxayaan Beelaha Soomaaliyeed ee ay colaaduhu dhexmareen, halka siyaasiyiin iyo waxgarad fikirkaas qabana ay ku doodayaan in aysan jirin beelo is-dilay, sidaas darteedna loo baahan yahay in shirka uu noqdo mid looga heshiinayo khilaafaadka siyaasadeed.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ku baaqday ayay qabashadiisa ku soo beegmeysaa xili ay Dowladda Federaalka oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah ay dagaal uga adkaadeen kooxo wax iska caabin ah oo dagaal kala soo horjeeday.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).