15.2 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Ciidama Itoobiya oo saakay baaritaanno xooggan ka fuliyay suuqa Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, May 11 (HOL) – Ciidamo fara badan oo ka socda dowladda Itoobiya ayaa aroornimadii saaka gudaha usoo galay suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaanay halkaasi ka fuliyeen baaritaano ay sheegeen in ay ku baadi goobayaan hub iyo rag hubeysan oo ay iyagu tuhunsan yihiin.

Ciidamadan ayaa waxa ay horay uga kaxeysteen Suuqa Bakaaraha siyaasiyiin magaalada Muqdisho aad looga yaqaanno oo kala ah Axmed Max’ed Cabdulle (Qare) , Max’ed Rooble Jimcaale (Goobaale) Xuseen Wehliye (Cirfo) in kastoo muddo kadib xorriyaddoodii dib loogu soo celiyay kadib markii baaritaanno iyaga shaqsi ahaantooda lagu sameeyay

Baaritaanadan ay saakay ciidamada Itoobiya ka sameeyeen gudaha suuqa iyo nawaaxigiisa ayaa la sheegay in ay ku xiriirsan yihiin qaraxyo muddooyinkanba ka dhacayay gudaha suuqa iyo isgoysyada ku teedsan sida Howl-wadaag iyo Aadan cadde kuwaasoo lala beegsanayay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay ciidamada itoobiya baaritaanno ka sameeyeen guryaha qaar ka tirsan odayaashii beelaha Hawiye ee iyagu hogaaminayay kooxihii la dagaalamayay ciidamada itoobiya ee ku sugan dalka Soomaaliya iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo ay ciidamada dowladda itoobiya soo galaan gudaha suuqa bakaaraha tan iyo markii ay si toos ah ula wareegeen gacan ku heynta guud ahaan magaalada Muqdisha.

Dhanka kale waxaa ilaa iyo haatan xiran waddada wadnaha ee magaalada Muqdisha inta u dhexeysa isgoyska bakaaraha iyo midka aadan cadde halkaasoo aan loo ogolryn in ay maran baabuurta iyo dadka cagahooda maalaya intaba.

Hiiraan Online
warar@hiiraan.com

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).