Jimco, May 11 (HOL) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya soo gaaray wafti heer sare ah oo ka socda qaramada midoobay oo uu hogaaminayo wakiilka xog-hayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Fransua Fall .
Waftigan ayaa waxa ay xarunta madaxtooyada (Villa Somalia) kulan ay albaabadu u laabnaayeen kula qaatay masuuliyiinta ugu sarreysa dowladda Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed iyo Raysal wazaarihiisa Cali Max’ed Geeddi iyo qaar ka tirsan waziirrada xukuumadda Soomaaliya.
Kulanka kadib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay raysal wazaaraha Soomaaliya Cali Max’ed Geeddi iyo wakiilka xoghaya guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Fransua Fall .
Cali Max’ed Geedi oo hadalka furay ayaa sheegay in waftigan ay kala hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsaneyd qabanqaabada shir-weynaha dib u heshiisiinta qaran ee ay dowladda Somaaliya sheegtay in 16ka bisha soo socota lagu qaban doono magaala Muqdisho iyo sidii lagu soo dhameystiri lahaa ciidamada ka socda midowga afrika ee qaar ka tirsani ay haatan joogaan magaalada Muqdisha.
Mr: Fall ayaa qiray in haatan ay magaalada muqdisho ka jiraan amaan iyo xasilooni leysku halleyn karo oo wax badan ka baddalan midii bilihii laga soo gudbay ka jirtay magaalada muddadaaso ay magaaladu dagaallo xooggani ka soconayeen.
Waxaa kaloo uu sheegay Fall in saacadaha soo socda ay kulan la qaadan doonaan guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta qaran Cali Mahdi Max’ed iyo masulliyiin kale oo ku lug leh shir-weynahaasi.
Waa markii ugu horreysay oo wahti heerkan oo kala ahi ay soo gaaraan magaalada Muqdisho tan iyo markii dhamaadkii bishii aynu kasoo gudubnay ay soo gabagaboobeen dagaalladaii ka soconayay magaalada Muqdisho.
Hiiraan Online
warar@hiiraan.com






