15.2 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Muqdisho oo ay Qaraxyada ku soo badanayaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, May 10, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo markii ay gacan ku heynteeda la wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ku soo badanaya qaraxyo lala beegsanayao fariisimo ay ku sugan yahay Ciidamada Dowladda federaalka iyo weliba gaadiidka ay ku socdaan Madaxda, Saraakiisha iyo ciidamada Dowaldda, kuwaasi oo wadada dhinaceeda loo geliyo waxyaabo qarxa.

 

Maanta ayaa ugu dambeysay qarax aad u weyn oo laga maqlay xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Taleex ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaasina lala beegsaday gaari uu la socday Sarkaal ka tirsan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kaasi oo la xaqiijiyay in aysan qaraxaasi waxyeello ka soo gaarin.

 

Xalay ayaa nawaaxiga Isgoyska Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qarax aan isna la garan ciddii ka dambeysay, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

 

Dad ka dhawaa halka uu qaraxaas ka dhacay ayaa waxay sheegeen in markii qaraxaasi dhacay kadib ay ciidamada Dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan ay rasaas fureen taasi oo sababtay in ay dhaawacmaan dad rayid ah oo aan wax lug ah ku lahayn falkaas qaraxa ah.

 

Sidoo kalena Shalay ayay ahayd markii uua qarax ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta lagu iibiyo Dawada, waxaana qaraxaasi ku dhintay hal ruux, hallka ay ku dhaawacmeen dad kale oo goobta qaraxa ka dhacay ka dhawaa.

 

Intaas kaliya kuma koobna qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho tan iyo markii ay Dowladda Federaalka la wareegtay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho, wuxuuna qarax weyn oo lala beegsaday gaari ay saarnaayeen Ciidamo Boolis ah uu ka dhacay meel aan ka fogeyn isla Isgoyska Wadada Aadan Cadde.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, qaraxyadan ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo madaxda maamulka Gobolka Banaadir iyo saraakiisha dhinaca ammaanka u qaabilsan ay horay u soo saareen digniino ay u jeedinayeen dadka rayidka ah taasi ku saabsaneyd in ay dadka iska eegaan in guryahooda la soo dhinac dhigo waxyaabo qarxa amaba laga tuuro madaafiic, hayeeshee waxaa muuqata in iyadoo ay digniintaas ka soo baxday maamulka gobolka Banaadir ay hadana magaalada Muqdisho ka dhacayaan falal lid ku ah nabadgelyada oo ay  Qaraxyada ka mid yihiin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).