Talaado, May 01, 2007(HOL): Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka codsaday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay in uu soo diyaariyo qorshe ciidamo nabad ilaaliyayaal ah loogu diro Dalka Soomaaliya, si gaar ahna waxay uga codsadeen 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka inuu soo saaro warbixin ku saabsan qorshe ciidamo loogu dirayo Soomaaliya, taasi oo laga sugayo bartamaha bisha June ee soo socota.
Magaalada Muqdisho ayaa bishii aynu ka soo gudubnay waxaa ka dhacay dagaal ay ku dhinteen dad ka badan 1000 ruux, halka ay ku barakaceen dad kale oo gaaraya 400,000 oo ruux. Dagaalkaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo wax iska caabin ah oo ka soo horjeeday ayay Hay’adda ICRC ku tilmaantay dagaalkii ugu xumaa oo Muqdisho ka dhacay muddo 15 sano ah, iyadoo dagaalkaasna uu bilowday kadib markii ay Ciidamada Itoobiya oo gacan siinaya Ciidamada Dowladda Federaalka ay howlgallo mileteri ka bilaabeen Bishii Maarso ee aynu ka soo gudubnay.
Hayeeshee Emyr Jones Parry oo ah Safiirka Britain u fadhiya Qaramada Midoobay, isla markaana hayay guddoomiyenimada wareegga ah ee Golaha Ammaanka ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka fiirsado ciidamo uu u diro Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo dhawaan ay dagaallo ka dhaceen, inkastoo uu sheegay in xaalka magaalada Muqdisho uu soo hagaagayo, isla markaana ay qalalaasihii ka sii dhamaanayaan.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa horaantii sagaashaamaadkii ciidamo nabad ilaaliyayaal ah u diray Dalka Soomaaliya, hayeeshee ma uusan guuleysan howlgalkii ciidamadaas loo diray oo ahaa mid rajo soo celin ah, waxayna ciidamadaas dib uga laabteen Soomaaliya, iyagoo dhameystirin howshii Soomaaliya loogu diray.
Dhanka kalena Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu ugu baaqay Dalalka Midowga Afrika in ay Ciidamo u diraan Soomaaliya, waxaana ilaa iyo haatan ciidamo u diray Soomaaliya Dowladda Uganda oo ka mid ah dalal Midowga Afrika ka tirsan oo horay u ballanqaaday in ay Soomaaliya ciidamo u dirayaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Guddoomiyaha Guddigii Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa magaalada Asmara ee dalka Eretereya ka soo saaray warsaxaafadeed ay dadka Soomaaliyeed ugu baaqayeen in ay u istaagaan sidii ay dalka Soomaaliya uga saari lahaayeen Ciidamada Shisheeye, iyagoo caddeeyay in ay dagaallada sii socon doonaan tan iyo inta ay Soomaaliya ka baxayaan Ciidamada Shisheeye.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






