14.4 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Ciidamada Uganda oo kormeeray goobihii ay ka dhaceen Dagaalladii Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, May 01, 2007(HOL): Ciidamada Uganda ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta waxay socod indho indheyn ah ku mareen goobo dhowr ah oo ku yaala magaalada Muqdisho, kuwaasi oo u badnaa kuwii ay ka dhaceen dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay.

Ciidamadan oo watay ilaa 20 gaadiidka dagaalka ah ayaa waxay socdaalkooda ka bilaabeen Xarunta Dugsigii Tababarka Xalane oo fariisin u ah, kadibna waxay mareen Wadada hormarta Villa Somalia, iyagoo kadibna isu sii maray Isgoysyada Florenza, Cali Kamiin, Ifka Xalan, kadibna waxay booqdeen Xarunta Jaamacadda Muqdisho oo ku taala meel wax xoogaa ka baxsan Magaalada Muqdisho, taasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah.

Socdaalka Ciidamadan ayaa lagu sheegay in uu la xiriiro sidii ay u baran lahaayeen Magaalada Muqdisho, isla markaana ay u soo arki lahaayeen goobaha la dejin doono marka ay Ciidamada Itoobiyaanka ah ka baxaan Dalka Soomaaliya.

Ciidamada Uganda ayaa tan iyo markii ay soo gaareen Magaalada Muqdisho waxaa ay isaga jireen Xarunta Dugsiga Tababarka Xalane, iyagoo aan wax howlgal ah sameynin marka laga reebo in ay sameeyeen howlgallo ay ugu samafalayeen dadka Muqdisho, gaar ahaan kuwii ku dhaawacmay, kuna barakacay Dagaalladii Muqdisho ka dhacay.

Ciidamada Uganda oo Dalka Soomaaliya ku yimid magaca Midowga Afrika ayaa waxaa la sheegaa in ay sugayaan Ciidamo kale oo Midowga Afrika ka socda, iyadoo howshoodana ay noqon doonto in ay sugaan ammaanka Xarumaha Dowladda Federaalka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).