14.4 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Qaar ka mid ah Dadkii Muqdisho ka barakacay oo aan guryahooda dib ugu soo laaban karin

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, May 01, 2007(HOL): Qaar ka mid ah Dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho ee miciinsaday in ay geedaha ku hoos noolaadaan ayaan guryahooda dib ugu soo laaban karin iyadoo ay istaageen dagaalladii ay ka qaxeen.

Dadkan ayaa sababta aaney guryahooda u imaan karin waxaa ay tahay iyadoo ay xaafadahooda joogaan Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira oo aad u hubeysan. Qoysaska qaarkood waxay ku adkeysanayaan in ay guryahooda ku soo laabaneynin tan iyo inta laga dul qaadayo ciidamada jooga xaafadooda.

Xaafadaha aaney weli dadku ku soo noqon karin ayaa waxaa ka mid ah Xamar Bile, Cali Kamiin, Nawaaxiga Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, Nawaaxiga Warshaddii Baastada, Ex Koontarool Balcad iyo Huriwaa, waxaana halkaas ku sugan ciidamo tiro badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasi oo qaarkood albaabada ka jooga guryihii ay dadka u soo noqon lahaayeen.

Haddaba Odayaasha Beelaha Hawiye oo ka duulaya cabashada ka imaaneysa Dadkaas Muqdisho ka barakacay ee aan hadana guryahooda ku soo laaban karin ayaa waxay soo saareen warsaxaafadeed ay Dowladda Federaalka uga dalbayaan in ay Ciidamadaas ka qaadaan xaafadaha ay Dadka ku soo noqon lahaayeen, iyagoo sidoo kalena ugu baaqay in ay xakameeyaan Ciidamada labada dhinac oo ay sheegeen in ay bililiqo iyo qafaalasho kula kacayaan dad aan waxba galabsan.

Ilaa iyo haatan wax jawaab ah kama soo bixin Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan cabashada ka imaaneysa dadka barakacay ee aan guryahooda ku soo laaban karin, marka laga reebo in ay horay mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka u sheegeen in ay Dadkii Muqdisho ka qaxay ay dib ugu soo noqon karaan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dagaalladii mudada bisha ah ka socday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku barakacay dad aad u faro badan, kuwaasi oo qaarkood ay u hayaameen gobollo dalka Soomaaliya ka tirsan, halka qaar kalena ay dalka oo dhan isaga baxeen, kadib markii ay u adkeysan waayeen madaafiic waa weyn oo magaalada Muqdisho sida aan loo meel dayin loogu garaacay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).